Wednesday 14 April 2010

Xukuumada Riyaale Oo Ciyaarihii Kubadaha Dhalinyaradii Iska Hortaagtay





















Dhaawacii Oo Lagu Dawaynayo Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa

Wasiirka ciyaaraha Somaliland waa qayral mas’uul Ku fashilmay shaqadiisii aan dhalinyaro garoon isugu timid oo tartan kubadeed uga socdo u soo kaxaystay todoba baabuur bilays oo tikniko saarantahay. Wasiirka qayral mas’uulka ah ayaa ku andacooday in dhalinyarada tartanku uga bilaabmay ay ahaayeen xisbiga Kulmiye sidaa darteedna uu amar ku bixiyay in ciyaarta la joojiyo ciidan tikniko ahna la keeno. Waar ilayn af aadan lahayn lama aamusiin karo aamusnaantaa u dhaantay wasiirkani inuu saxaafada la hadlo. Wasiirka ka aradan mas’uuliyadu intuu ciyaarta sports-ka joojinayay muxuu askarta xabadaha nool ku ridaysay dhali yarada ciyaartoyda ah u joojin waayay ?

Khasaaraha ka dhacay halkaa iyo cawaaqib xumadeedaba waxaa masu’uul ka ah wasiirka ciyaaraha ee bilaa aqoonta ah caqliyadiisiina siisay dhalinyaro si nabad galyo ah tartan kubadeed ugu socdo rasaas u dalbo

No comments:

Post a Comment