Monday 12 April 2010

gudoomiyaha dooroshooyinka ghana oo kusoo degay magaalada berbera

Hargeysa(Ramaas) Apr.11, 2010 - Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Xamari, ayaa maanta Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxill ku soo dhaweeyey Wefti uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ee dalka Ghana Kwadwo Afari-Gyan. Weftigaas oo ka soo degay Madaarka diyaaradaha ee Berbera waxa ay caawa soo gaadheen Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka waddanka Ghana Mr. Afari-Gyn, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay safarkan uu hadda Somaliland ku joogo, isla markaana muddada uu joogo oo shan maalmood ah waxa uu xusay inuu arrimo fara badan oo la xidhiidha dhinaca doorashooyinka ka wadahadli doonaan Guddiga doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay inaanay maanta isugu horreynin, balse ay hore ugu kulmeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Masuulkan reer Ghana oo hogaaminayey xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Ghana, waxa uu Somaliland ku ammaanay doorashooyinkii dhawrka ahaa ee ay ka dhacay marar kala dambeeyey sannada ka hor. Kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo u dhacay qaab dimuquraaddi ah oo aan meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan Afrika ka suuragelin ama ka qabsoomin.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Ghana waxa uu Somaliland u rajeeyey inay doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay sannadkan dalka ka qabsoonto u dhacdo si fiican oo dimuquraaddi ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf (Ciise-xamari), ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in muddada Guddoomiyahan iyo Weftigiisa reer Ghana Somaliland ku sugan yihiin inay komishan ahaan kulan la yeelan doonaan, isla markaana ujeeddada uu dalka u yimi tahay inuu kala taliyo arrimo badan oo la xidhiidha habka iyo hannaanka doorashadu u qabsoomayso, waxyaabaha suuragalinaya doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda.

Ciise-xamari, waxa uu intaa ku daray in Guddoomiyaha Guddiga doorashada Ghana yahay nin Khabiir ah oo waddamada Barwaaqo sooranka iyo dalal badan oo Afrikaan ah kala taliya arrimaha doorashooyinka iyo dimuquraaddiyada. Waxaanu Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland si weyn ugu mahadceliyey Weftiga reer Ghana oo uu sheegay inay wax badan Guddi ahaan ka faa’iidaysan doonaan .

Waa markii ugu horeysay ee Masuulkan oo kale oo ka socda waddanka Ghana uu soo gaadho dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Ghana iyo Weftigiisu dalka ku sugnaan doonaan muddo shan cisho ah, waxaanay kulammo la yeelan doonaan Guddiga doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasadda, Ururada Bulshada iyo Golayaasha Qaranka Somaliland.




Cabdifataax Mursal

Ramaasnews/Office

Hargeysa/Somaliland

E-mail.mrmursal@gmail.com

No comments:

Post a Comment