Saturday 17 April 2010

Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo lagu qaabilay soo-dhawayn aan loo kala hadhin
April 16th, 2010 Comments Off
Berbera (Somaliland.Org)- Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ka dib markii uu maanta ka soo laabtay socdaal caafimaad oo muddo qaatay oo uu ku tegay dalal dibedda ah.
Madaxweyne-xigeenka oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Berbera, ayaa soo-dhawayntiisa ay ka qayb galeen dhinacyada kala duwan ee Bulshada, Saddexda Xisbi SIyaasi, Xukuumadda, Culima-udiin, Golayaasha Baarlamaanka, Maamulka gobolkaas, Fannaaniin iyo dadweyne kale oo tiro badan, ayaa ka dambaysay ka dib markii Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin uu socdaal caafimaad oo bilo qaatay oo uu ugu maqnaa dalal uu ka mid yahay Faransiisku uu maanta ku soo laabtay dalka.
Masuuliyiintii ka kala socday saddexda Xisbi SIyaasi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ee ka qayb-galay soo-dhawaynta Madaxweyne-xigeenka ayaa sheegay in soo-dhawaynta Axmed Yuusuf aanay ahayn mid gaar u ah Xukuumad iyo Xisbul-xaakim toona, balse ay tahay mid qaran, maadaama uu xaalad Caafimaad ku maqnaa.
Madaxweyne-xigeenka oo muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad u jiifay Cusbatal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa xaaladdiisa Caafimaad hadda wanaagsan tahay, isla markaana wanaagsan, ka dib markii sida la sheegay Qalliin lagaga sameeyay xamaytida.

No comments:

Post a Comment