Monday 19 April 2010

Qaad La'aan Saamaysay Qaad Qamacii Reer UK iyo Guud Ahaan Europe Sababta Fulkanaha Iceland Awgeed Iyo Haween Badan Oo Nastay

Fulkanaha ka qarxay dhulka baraflayda ah ee Jamhuuriyadda Iceland oo sababay in dhammaanba duulimaadyadii qaaradda yurub gaar ahaana beriga iyo galbeedka yurub ay joogsadaan ayaa wuxuu welwel iyo culus aan hore usoo marin qaaradda yurub saaray dhaqaalahii iyo weliba isku socodkii ama duulimaadyadii yurub ay la lahayd dunida intee kale oo ay afartii caano maal ee ugu danbeeyeyba ay ka go'nayd.

kumanaan Kun Bilyan oo Pound ayaa lagu qiyaasay khasaaraha dhaqaale ee uu u gaystay falkaanahi dakhligii ka soo geli jiray Britain madaaradda waaweyn sida Heathrow, Gatwick, Birmingham, Manchester, Stansted iyo kuwa kale oo badan, kumanaan kun qof ayaa ku xaniban daafaha adduunka kuwaasi oo qaarkoodna ay u socdeen galbeedka yurub qaarkoodna ay ka sii socdeen.

Haddaba khasaaraha baaxadleh ee fulkanaha Iceland uu u gaystay qaaradda yurub ayaa haddana bulshoooyinka ku dhex nool ee ay Soomaalidu ka mid tahay waxaa dad badani ay ku tilmaameen naxariis weyn oo inbadan la naawilaayey, geedka qaadka loo yaqaano ama mararka qaarkood loogu yeedho Jaadka ayaa si ba'an waxaa looga isticmaala dalalka Britain iyo Holland kuwaasi oo qaadku uu sharci ka yahay, maalin kasta waxaa madaaradda Heathrow iyo Amesterdam ka soo degi jiray kumanaan Tone oo qaad ah oo laga keeni jiray dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Haddaba afartii caano maal ee ugu danbeeyey ayaa gebi ahaanba qaadkii laga waayey suuqyadii laga doonan jiray ama uu xaamiga ku ahaa, iyadoo goobaha godka ah ee ahlu mirqaamka ama kooxaha loo yaqaano Geed qamaxu ay iskugu camiri jireen ay noqdeen meel gorayadu ka ka haado oo ay cirka kor u eegaan "afartaa maalmood adeer korka ayuunbanu eegayna, waanaga halkaasi wadhan, Southhall oo dhan xilliga way camri jirtay, waadiga arkaya raggu xaraarad ayuu galgalanaya" sidaasi waxaa yidhi nin 70 jir ah oo ka mid ah qaad qamaxa ama ahlu mirqaanka kana ganacsada geedka qaadka oo meherad ku leh xaafadda Southall ee galbeedka magaalada London.

dhinaca kale iyadoo xaraaradda uu sheegayo ninkaasi odayga ahi ay la gal galanayaan ahlu mirqaan badani ayaa waxaa arrintani ku diirsaday oo soo dhaweeyey hooyooyin badan oo iyagu ku dhib qabay odayaashii ama saygoodii ay u dhaxeen oo aan nolol iyo geeri muddo dheer aanay kala war qabin una go'ay daacadnimada cunista geedka qaadka "2 sannadood ayaan u garba duubna, maan arag, meel uu nolol iyo geeri ku jiro waxaa war la iigu sheegay inuu god hoostii marfash ku yaallay ku jiray, maantuu ka soo baxay siduu u egyahayna waadiga arkaya inuu xabaal ka soo baxaad mooda" ayey tidhi hooyo soomaaliyeed oo ku dhaqan xaafadd ka mid ah kuwa waqooyiga magaalada London oo iyadu aad ugu faraxsanayd waayitaanka geedka qaadka "waa mahad alle, ilaahay ayaa na jecel, haddii ay wax garanayaan oo caqli iyo garaad leeyahiin godkay ka soo bixi lahaayeen oo adduunyada cad ee la kala macaashayo iyo ubadkooda ayey ogaan lahaayeen" ayey tidhi gabadhaasi.

Ahlu mirqaan uu qaadku/jaadku u ahaa nolol maalmeed isla markaana daacadnimo ay u qabaan ku ilko beelay ayaa jiif iyo joog badan xamili kari la'a maalmahii ugu danbeeyey.

No comments:

Post a Comment