Monday 19 April 2010

Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo qurbaha ka wada olale mid waliba doonaayo inuu taageero ka helo qurbajooga

Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo qurbaha ka wada olale mid waliba doonaayo inuu taageero ka helo qurbajooga





Iyadoo la dhawraayo in dhawaan lagu dhawaaqo wakhtiga ay qabsoomayso doorashadu ayaa waxaa moodaa inuu kaambaynkii olalaha doorashadu ka bilaabeen dibadaha, taasoo xisbiyada siyaasaddu rabaan inay kusoo jiitaan qurbajooga si ay ukas badaan taageeradooda.


Haddaba su'aashu waxay tahay sababta xisbiyada diirada usaareen qurbajooga, sababtoo ah waxaan la soconaa in qurbajoogu aanu codaynayn, ee codka ay bixinayaan dadka gudaha joogaa. Waxay ilatahay jawaabta su'aashani inay fududahay sababtoo xisbiyada siyaasaddu waxay ka rabaan qurbajooga waxaa ugu horreeya ee waa dhaqaale ay ku galaan olalaha doorashada, laakiin ma ogtahay in ujeedadu aanay intaasoo qudha ahayn ee ay is leeyihiin dadka dibaddu waxay saamayn weyn ku leeyahay shacabka gudaha jooga.


Dadka qurbajooga ahi waxay marka hore kaaliin laxaadle ka qaataan dibudhiska iyo horumarka dalka, horumarka balaadhan ee dhinaca baayacmushtarka ama business sectorkana waxaa hormuud ah qurbajooga oo ah kuwa dhisay hoteelada quruxda badan ee la seexdo, guryaha iyo dhismayaasha bilicda leh ee laga dhisay magaalooyinka waa weyn, degmooyinka iyo tuulooyinkaba.


Xisbiyada siyaasaddu ee Somaliland waxay xidhiidh la leeyihiin qurbajooga gaar ahaana kuwa dhaqan Waqooyiga America, Yurub iyo Ustralia iyagoo u arka inay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool waddamadaas oo iyagu fahamsan dimoqraadiyadda curdaynta ka ah dalkeenu qaatay. Waxaana qurbajoogu dhiireliyaan koridda dimoqraadiyadda iyagoo taageera xisbiyada qaranka ee dalka ka hirgalay.


Waxaana jirta inay qurbajoogu ay Somaliland ku leeyihiin saamayn dhaqaale, iyada oo inta badan baxshaan biilasha ay ku nool yihiin xubnaha faamliga ee jooga waddankii, markaas kama maqna iyana saamayn siyaasadeed oo ay dadka qurbaha joogaa ay kula taliyaan eheladooda waddankii xisbiga ay u foodi lahaayeen, kuwaasoo inta badan dadka gudaha jooga iyo xubnaha qurbajooga ah ay isku xisbi taageersan yihiin. Taasoo ah sababta xisbiyada siyaasaddu bartilmaameed uga dhigtaan qurbajooga si ay u helaan taageeradooda oo laga rabo inay dhaqaale baxshaan sidoo kalena dadkooda gudaha jooga kula taliyaan xisbiga ay u codayn lahaaayeen doorashada soo socota ee madaxweynaha oo la filaayo in dhacdo dhammaadka xilliga guga ama bilawga xagaaga sannadkan. Taasoo la rajaynaayo inay dhacdo gebagebada bisha Seermawaydo ama bilawga dirir cawleed ee sannadkan haddii allah ka dhigo.


Haddaba waxaa isku hirdiyaaya qurbaha labada xisbi ee mucaaridka ah oo midkastaaba rabo inuu hanto taageerida qurbajooga, taasoo xisbiga UCID isagu dhawaan ka fara xashay aanu soo maray inta badan magaalooyinka iyo dalalka ay ku dhaqan yihiin bulshada reer Somaliland ee Yurub, waqooyiga Maraykanka, Asia iyo Afrikada bari.


Waxaa isna kaambayn aan kala go' lahayn ka wada qurbaha xisbiga KULMIYE oo isagu hadda olalaha u dhigay dhinac kale oo xagga dumarka ah. Waxaana marwada guddoomiyaha ee KULMIYE Amina Weris Maxamud iyo Ilhaan Maxamed Jamac iyagu kintaarka ka garaaceen dhinac kale oo ay abaareen haweenka reer Somaliland. Waxaanay muddo yar badi booqasho galaa baxsheen inta badan magaalooyinka waaweyn ee UK sida Cardiff, Shefied, Birmingahm oo ay kula kulmeen haweenka Somaliland kuwaasoo si diiran loo soo dhaweeyey, meesha ay tagaana lagala horymid dabbaal deg iyo damaashaad. Soo dhawaynta labadan marwo oo aad loo abaabulay baa lasheegaa inay dadka soo dhaweeyeyna waxay sheegeen masuuliyiinta KULMIYE in aanay ahayn oo qudha taageereeya xisbiga oo qudha ee ay sidoo kale kasoo qayb galeen taageerayaasha xisbiyada kale iyo dadka aan iyagu xisbina taageerin.


Xisbiga talada haya ee UDUB oo iyagu qudhooda aan ka madhnayn olalaha ay xisbiyada siyaasadda ka wadaan dibadaha, waxaanay dhawr meelood ku qabtay shirar magaalada London laga dareemayo olalahooda, waxaa kale oo beryahanba wafti wasiiro ah joogeen waddanka maraykanka halkaasoo ay kula kulmeen jaaliyadaha dibadaha.


Inkastoo la moodo in laga fir fircoon yahay xisbiga talada haya UDUB marka loo eego labada xisbi ee mucaaridka ah oo iyaga aanay uga danbayn dhaqaalaha yar ee ka helaan qurbajooga. Xisbiyada mucaaridka ah ayaa inta badan ku eedeeya inay xukuumaddu hantida qaranka u isticmaasho olalaha doorashada. Laakiin xukuumadduna dhinaceeeda arrimahaas way beenisaa.

No comments:

Post a Comment