Wednesday 14 April 2010

Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland oo xaalad Caafimaad loo keenay Burco
April 14th, 2010 Comments Off


Burco (Somaliland.Org)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Saleebaan Warsame Guulleed oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa Caafimaad ahaan loogu soo qaaday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Inkastoo aanay Xukuumaddu wax war ah ka soo saarin sababta Wasiirka loogu soo qaaday Burco, haddana siday faafisay faafisay idaacadda Horyaal, waxa daawayn ahaan loo keenay Cusbatal ku yaala Burco, ka dib markii bahal ku qaniinay magaalada Laascaanood.

Warku wuxuu intaa ku daray, in bahalka Wasiirka qaniinay uu ahaa Hangarale ama Dib-qalooc, isla markaana subaxnimadii shalay loo soo qaaday dhinaca Cusbatalka gaarka ah ee MANHAL laantiisa magaalada Burco.

Sida la sheegay, Wasiirku waxa uu xilligaa ku sugnaa hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood.

Lama sheegin in Wasiir Saleebaan Warsame Guulleed Cusbitalka la dhigay iyo in daawayn fudud loogu sameeyay. Isla markaana, mar aanu la xidhiidhnay oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino, ayaanay noo suurtogelin in aanu helno.

No comments:

Post a Comment