Monday 19 April 2010

warqad iyo fure ka hadhay markabkii titanic oo lakala siistay 100.000 iyo 55.000

Warqad kasoo hadhay Markabkii Titanic ee ku dagay badweynta Baasifika kana mid ahayd alaabtii taalay Qaybta First-Class-ka Markabka ayaa lagu kala iibsaday 55,000 oo lacagta Ingiriiska ah.

Warqadan oo uu Qoray nin la odhan jiray Adolphe Saalfeld uguna talo galay Xaaskiisa oo markaa ku sugnayd Ingiriiska ayaa noqotay Warqadii ugu qaalisanayd dunida ee lagu baayaco lacag intaas leeg.

Qoraalka ku qoran Warqada ayuu ninkan kaga warbixiyey Xaalada maalinkasta uu ku sugnaa Markabka Titanic oo dagay 15-ki April 1912 isagoo galaaftay 1,517 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa.

Warqada ayaa kamid ahayd 350 alaabo ah oo uu iibisay Xarunta lagu kaydiyo Waxyaabaha Taariikhiga ah ee White Star Line.

Warqadan oo la qoray Shan Cisho ka hor intaanu Markabku Dagin ayaa waxa iibsaday qof aan la magacaabay oo ka tirsan Maxfadka Ingiriiska , inkastoo aan wali lagu dhawaaqin iibka kama dambeysta ah.

waxa sidoo kale warqadan wehelinayey Fure uu lahaa Sarkaal ka tirsana kuwii waday markabka Titanic Furahaas oo isagana la siistay 54,000 oo Lacagta Ingiriiska.




Sawiraan laga qaaday Markabka Titanic, Rakaabkii Saarnaa iyo Shaqaalihiisi ayaa iyagana la siistay 100,000 oo Lacagta Ingiriiska ah.

Markabka Titanic oo Dagay 1912 ayaa Taariikh weyn ku reebay dunida iyadoo sanadkii 1998 laga sameeyey Filmkiii loogu magacday ee Titanic kaas oo muddo toban sano ka badan ahaa filmka dunida ugu qaalisan.

No comments:

Post a Comment