Wednesday 14 April 2010

xisbiga kulmiye ayaa wareeg ciyaareed dhalinyarada u furay
























Xisbiga Kulmiye ayaa tartan ciyaaraha kubadda cagta ah u qabtay dhallinyarada xaafadaha magaalada Hargeysa halkaas oo Xisbigu u dhigay koob ciyaaraha iyo direyska ciyaaraha ee kooxda oo isku dhan ah, oo la gudoonsiinaayey ciddii marba badisa.

Xisbigu intii aanuu bilaabin hawsha tartansiinta ciyaarahaasi, waxa uu si sharciga waafqsan fasax uga soo qaatay oo qoraal siiyey Xidhiidhka Kubadda cagta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland, sidaas darteedna waxaa ku bilaabmay maalintii shalay tartankaasi ciyaartii ugu horaysay. Hadaba subaxdii saaka ayaa waxa lagu waaberiistay iyadoo uu wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaruhu leeyahay tartankaas Xisbiga Kulmiye ma qabn karo, loomana ogalaan karo in ay ciyaaro ku tartansiinyaan dhalinyarada xaafadaha magaalada Hargeysa.

Waxaa galabta ciyaartii ugu horaysay loo furay labadii kooxood, markii hadaba ay yimaadeen garoonkii waxaa ciyaartii oo socota garoonkii yimid todoba baabuur bilays oo tikniko ah , isla markiibana rasaas oodda kaga qaaday kuna furay dhallinyaradii ciyaaraysay iyo dadweynihii daawanaayeyba, waxaana rasaastii cuskatay Cheif Caaqil Cabdi Iimaan Jaamac cawad oo ah oday dhaqameed wayn oo ka tirsan bulshada reer Somaliland. Waxa ay xabadu kaga dhacday cheif caaqilka dhinaca bidix ee cunaha waxaana ay ka baxday qadaadka dambe ee qoorta iyo madax u dhaxaysa. ilaa imminka wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhayay xalada caafimad ee caaqilku waxay tahay aad u culus tahay diyaariye libaan cabdi aw daahir

No comments:

Post a Comment