Saturday 24 April 2010

Kulan Xiiso Badan oo Madal Furan Su’aalo lagu waydiiyay Xildhibaanno ka mida Saddexda Xisbi Qaran

Kulan su'aaleed aad u xiiso badan oo ay marti ku ahaayeen saddex ka mid

ah mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ka kala




tirsan saddexda xisbi qaran ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, ayaa lagu qabtay shalay hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Mac-hadka caalamiga ah ee IRI, isla markaana nuxurka ujeedadiisu salka ku haysay waxyaabaha u qabsoomay xildhibaanada Golaha Wakiillada ee wakhtigii xilka loo doortay gebagebada ku dhawyahay, arrimaha uu wax-ka-qabashadooda ku fashilmay iyo sababaha keena, waxa lagu martiqaaday Md. Ibraahim Mahdi Buubaa (UCID), Md. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Xoog) - UDUB - iyo Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, kuwaas oo wadajir iyo keli keliba uga jawaabay su'aalo xiiso badan oo madasha ka aloosay xiisad iyo xammaasad ku dhawaanaysay in marmarka qaar lagu orin gaadho xildhibaanka xisbul-xaakimka metelayay oo isku dayay inuu difaaco dhaliilo tiro badan oo ku jihaysnaa xukuumadda talada haysa.

Kulan-su'aaleedkan oo ay ka qaybgaleen in ku dhaw 50 qof oo u badnaa dhallinyaro ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa, kuwaasoo aan si tudhaale lahayn ula boobay saddexda xildhibaan ee madasha loo goleeyey oo dhammaantood laga soo doortay Gobolka Hargeysa, iyadoo su'aalaha ugu cuslaa uguna tirada iyo xiisaha badnaa si gaar ah ka qaybgalayaashu ula bartilmaameedsanayeen Md. Cabdiraxmaan Aw-xoog oo jawaabihiisu u badnaayeen isdifaac keliya oo aan wadan garawshiiyo iyo xagxagashada mucaaridka.

Maxamed Cabdi Xaashi oo ka tirsan hawlwadeennada hay'adda IRI ee barnaamijkan soo qabanqaabisay oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii shirka, ayaa sheegay in kulankani yahay kii saddexaad oo dadweynaha su'aalo furan ku weydiinayaan mudanayaasha ay soo doorteen ee Golaha Wakiillada.

Waxa kale oo sarkaalkani xusay in ujeeddada hay'adoodu ka leedahay qabashada kulamada noocan ah tahay mid looga gol leeyahay tayayna iyo horumarinta adeegyada waxqabad ee Golaha Wakiillada iyo weliba sidii loo abuuri lahaa jawi suurtogeliya xidhiidho joogto ah oo toos u dhexmara shacabka iyo xildhibaannada ay danahooda horumarineed u wakiisheen.

Ka hore intii aan la bilaabin su'aalaha kaqaybgalayaashu weydiiyeen oo dhinacyo kala duwan taabanayay waxa saddexda mudane la siiyey fursado ay min shan daqiiqo si guud-mar ah ugaga xog-warramaan waxqabadyada guud ee Golaha Wakiillada iyo mid walba shakhsiyan waxqabadka horumarineed ee uu dib ugu celiyey bulshada iyo degaannadii laga soo doortay.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ugu horreyn makarafoonka lagu wareejiyay, ayaa si kulul u weeraray xukuumadda talada haysa ee madaxweyne Rayaale oo uu u xambaariyay masuuliyadda waxqabad la'aaneed ee dadweynuhu ka tabanayaan Golaha Wakiillada iyo guud ahaan ragaadka baahsan ee ka muuqda horumarintii adeegyada bulshada ee loo igmaday ee dalka yaal.

Sidaa daraadeed, Md. Buubaa waxa uu ugu baaqay shacabka Somaliland inay codkooda kaga aargoostaan xukuumadda xisbiga UDUB oo uu sheegay in aanay hayn weji dambe oo ay markale ummadda kula hortimaad ballanqaadyo been ah.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ku faanay inuu yahay mudanaha ugu da'ada yar ee ku jira Golaha Wakiillada, waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inuu shakhsiyan had yo jeer isku taxalujiyo horumarinta dhallinyarada Somaliland iyo sidii uga qaybqaadan lahaayeen talada dalka, isagoo sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagani tahay distoorka qaranka oo uu ku tilmaamay mid qabyo badan ka muuqato oo u baahan in dib loo furo, isla markaana loo qaado afti dadweyne, balse wuxuu xusay inay wax ka beddeleen qodobka xeerka doorashooyinka goleyaasha degaanka ee xaddidayay da'da tartamayaasha oo hore u ahayd 35 jir, laakiin ay haatan ka dhigeen 25 jir, taas oo fursad u siinaysa dhallinyarada inay isu soo sharraxaan tartanka doorashooyinka soo socda ee dawladaha hoose.

Haseyeeshee, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Aw-xoog) oo metelayay xisbiga UDUB, ayaa caddeeyay in aannu jirin wax horumar ah oo ay ka dhaxleen bulshada soo doortay, "Maadaama," ayuu yidhi; “Aanan markii la i dooranayay ku ololayn waxbaan idiin qabanayaa iyo webiyo malab ah ayaan idiin soo faruuri doonaa."

Xildhibaan Aw-xoog oo laga dareemayay cabsida iyo werwerka uu ka qabay su'aalaha ka qaybgalayaashu dhufayska ugula soo jireen ee daaha ka faydiyaya fadeexadaha faraha badan ee dul hoganaya hoggaaminta maamulka UDUB, waxa uu hadalkiisa oo is-difaac u badnaa ku ladhayay weedho uu weji-gabaxa la soo dersay kaga galgalanayay mudanayaasha mucaaridka ee madasha fadhiyey oo uu ku eedeeyey in ay sabab u yihiin fadhiidnimada ku habsatay Golaha Wakiillada ee la soo doortay.

Sidoo kale Xidhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo madasha u metelayey mudanayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE uga soo baxay Gobolka hargeysa, ayaa si cad shaaca uga qaaday in golaha uu ka tirsan yahay ee Wakiilladu ku fashilmay masuuliyadii guud ee loo soo doortay, natiijo kasta oo laga dhaxlayna la wadaago 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, isagoo fadeexadaha fashiliyeyna u xambaariyey xukuumadda UDUB oo uu sheegay in goluhu ka dhaqaaqi waayey.

Hase ahaatee, Md. Nacnac waxa uu ku tiiqtiiqsaday inay jiraan waxqabadyo muuqda oo shaqsiyan uga tegayo dadkiisa iyo dalkiisa sida laba guri oo uu u dhisay hooyooyinka ay ka shahiideen Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Mujaahid Maxamed Haybe Goodhaadh o labaduba ka mid ahaa halgamayaashii iyo hoggaamiyeyaashii SNM ee naftooda ku waayey halgankii dib-u-xorreynta Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay dayacday oo aanay dib-u-eegin madaxda xukuumadda ee dheeftii dhiigga mujaahidiinta dhiilasha ka buuxsaday.

Xildhibaanka oo ka hadlayey waxqabadka shaqsiga ah waxa uu intaa ku daray inuu ku guuleystay dhismaha jid dhererkiisu dhan yahay 5KM laami ah oo laga hirgeliyey Degmada Axmed-dhagax ee caasimadda Hargeysa oo uu deggan yahay, kaas oo uu sheegay inuu dhaqaalaha ku baxay kala badh ka bixiyey jeebkiisa, badhka kalena ka taageertay dawladda hoose, waddadaas oo uu xusay inuu ku xidhay nalalka loogu talogalay ammaanka oo aan cidna ka caawin kharashka ku baxay.

Sidaa awgeed, waxa uu Md. Nacnac ugu baaqay madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadda talada haysa ee xisbiga UDUB inay Ilaahay ka cabsadaan oo wax uun u hambeeyaan ummadda ay masuulka ka yihiin ee hoostooda ku bakhtiyeya ee hantidoodii la xalaashaday.

Xog-warrankaas kooban ee mudanayaasha kadib waxa la gudo-galay su’aalo aad u xiiso badan oo ka qaybgalayaasha kulanku si darandoori ah ugu dadajiyeen xildhibaannada Golaha Wakiillada ee madasha loo goleeyey, iyadoo su’aalaha ugu kulul, uguna badnaa lala beegsanayey mudanaha UDUB oo isagu ahaa ninka daawaha dhaliilaha saarnaa ee dadweynuhu sida gaarka ah cadhada ugula dul dhacayeen.

Su’aashii ugu horreysay oo si weyn u gilgilashay jewigii kulanka waxa lagu maamuusay wiil dhallinyaro ah oo la sarajoogsaday su’aal aad loogu sacbiyey oo uu si lama filaana dhimbiilo ugaga duuliyey Md. Cabdiraxmaan-Xoog oo fadhi iyo joog midna xamili waayey markii daaqadda looga dhiibay gool aannu shabaqa ka difaaci karin.

Su’aashaas oo ahayd mid aad u kicisay xasaasiyaddii madasha degganayd waxay ahayd; “Md. Aw Xoog waxaad ku caan baxday difaaca xukuumadda iyo xisbiga UDUB, markaa maadaama aad ka mid tahay xildhibaannada aannu dooranay ee dadweynaha metela maxaad Madaxweynaha iyo wasiirradiisa uga qabanweydaan khaladaadka faraha badan ee ay galaan, mise khalad iyo saxba waad iska taageertaan uun?”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo jawaabta su’aashii ku noqotay gantaal aannu dhaadayn, isla markaana hadalka ku margaday, ayaa isagoo khajilaad darteed hadba hareer jalleecaya waxa uu sacabkii lagu tumay kaga xuub-siibtay Md. Nacnac oo uu markhaati ugu qabsaday inuu marar badan goob-joog ahaa kulamo ay Madaxweyne Rayaale ku cannaanayeen khaladaad xukuumaddu gashay, balse xildhibaanka KULMIYE ma shaacin marag-furkii saaxiibkiisa UDUB u qabsaday, waxaannu xukuumadda Rayaale iyo taageerayaashaba ku tilmaamay kuwo xumaanta shuraako ku ah.

Waxa kale oo saddexda mudane mid mid iyo wadajirba uga jawaabeen su’aalo tiro badan oo wax lagaga weydiiyey dhaliilaha Golaha Wakiillada iyo waxqabadyadii bulshadu ka filaysay xildhibaannada ay doorteen.

Kulankaas oo socday muddo laba saacadood ka badan oo la dhex dabbaalanayey mawjado siyaasadeed iyo mahadhooyin xiiso badan xambaarsanaa, waxa uu ku soo gebogeboobay jewi sarraaxad leh oo ka qaybgalayaasha u noqday fursad ay kaga nafisaan su’aalo kala duwan oo quluubtooda xaganayey.

No comments:

Post a Comment