Wednesday 14 April 2010

raxan daanyeero ah qulbay xaafadaha xabaala qodka iyagoo qamaamsan ee magaalada burco

xaafadahaas iyo daayeeradii iska hor-imaad ku dhex maray halkaas.


Raxantan Daayeerka oo la sheegay in ay ka muuqday harraad aad darani ayaa isku dayey inuu xoog ku galo xaafadahaas,iyagoo dadweynihii xaafadahaasina samaynayeen iska cabin ay iskaga celinayaan daayeerkaas, inkastoo goobaha qaarkood biyo ay cabbaan laga siinayey daayeerradaas.


Qaar ka mid ah dadweynaha xafadahaasi ayaa arintan ku tilmaamay mucjiso yaableh oo aanay waligood hore u arag daayeer intaas le,eg oo sidan u soo gala magaalada,waxay kaloo sheegeen in dagaalkii u dhexeeyay Dadka xaafada iyo daayeerka ay Dhaawacyo soo gaadheen daayeer badan,qaar ka mid ah caruurta xaafadana ay dhaawacyo fudud gaadheen.




Cimilada deegaanka gobolka Togdheer oo todobaadyadii u dambeeyey ahayd mid aad u kulul ayaa loo malaynayaa inay sababtay in dooxahaas daayeerada ah oo ilmahoodiina dhabarka ku sitay ay biyo ka waayeen goobihii ay ku noolaayeen,taasina ay keentay inay xoog ku soo galaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Burco.


Waa markii u horreysay ee magaalada Burco lagu arko tiro daayeer ah oo intaas le’eg ay soo galaan, isla markaana waxaa arrintaan la gaadhsiiyey masuuliyiinta maamulka gobolka si ay wax uga qabtaan.

No comments:

Post a Comment