Wednesday 21 April 2010

Dulucda Qoraal Heshiis ah oo ay kala saxeexdeen Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB

Xisbiga KULMIYE iyo Isbedel-doonka UDUB, ayaa heshiis ku kala saxeexday maanta Hargeysa.

Qoraalka Heshiiska oo ay ku wada saxeexnaayeen Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Isbedel-doonka UDUB Axmed Sandoon Xasan, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Waxaa maanta oo bisha April tahay 20/04/2010 si wada-jira u soo saaray qoraal rasmi ah Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Isbedal-doonka Xisbiga UDUB. Waxaana qoraalkan rasmiga ah laga soo saaray Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhoweeyey Garabka Isbedel-doonka UDUB ee ku soo biiray Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Kaah ee magaalada Hargeysa. Wuxuu Qoraalkan dhignaa sidan;

‘Waxaa in muddo ah wada hadalo u socdeen Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB; waxayna labada dhinac wada yeesheen kulmo isbada jooga oo ay kaga wada hadleen sidii ay labad dhinac isaga kaashan lahaayeen, meelna uga soo wada jeesan lahaayeen sidii Isbedel iyo maamul u adeega bulshada looga dhalin lahaa Somaliland.

Kulamadaasi ay labada geesood wada yeesheen waxay kaga wada hadleen baahida Shacabweynuhu u qabo sidii maamulka maanta dalka ka taliya looga wareegi lahaa iyo sidii dib-u-eegis iyo wax-ka-bedel loogu samayn lahaa Dastuurka qaranka iyo waliba sidii loo hawlgelin lahaa hay’adaha dawliga ah Nabadsugidda, loona toosin lahaa meelaha qalloocday.

Waxaa kaloo arrimaha lagaga wada hadlay Shirarkaasi ka mid ahaa, in si wadajira loogu hawlgalo hirgelinta barnaamijka Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee foodda innagu soo haysa iyo sidii ay labada dhinac gurmad degdega uga geli lahaayeen fulinta iyo guusha barnaamijka Ololaha Doorashada. Kulamadaasi oo dhowr weji lahaa waxaa arrimihii lagu soo qaaday waxa ka mid ahaa;

1-Kaddib markii ay u cuntami wayday Garabka Isbedel-doonka UDUB nidaamka siyaasadeed ee xukuumadda Madaxweyne Riyaale dalka ku maamulayso, taasoo dhalisay in meel-ka-dhacyo iyo dhaawac fara-badan loo geystay Qaranimada, Dimuqraadiyadda iyo Xidhiidhka dalku la leeyahay bulshada caalamka, kalliftayna in magaca Somaliland laga garan waayo xataa wadamada aynu jaarka nahay qaarkood.

2- Markii ay si midaysan u wada arkeen ku-dhaqan la’aanta iyo ku-xadgudubka xukuumadda maanta dalka talisa Dastuurka iyo xeerarka qaranka iyo waliba ku-tumashada xuquuqda muwaadinka.

3-Markii ay xaqiiqa noqotay in maamulka maanta dalka ka jiraa ku guuldaraystay inuu dalka u dejiyo barnaamijka iyo qorshe jaan go’an oo dalka lagu hago, taasina ay sababtay in dalku galo xaaladda mugdi siyaasadeed iyo dhaqaaleed.

4-Markii xukuumaddu u badheedhay boobka iyo dhaca hantida ummadda iyo waliba dhiirigelinta iyo wax-ka-qabasho la’aanta musuqmaasuqa baahay ee faraha ka baxay.

5-Markii la isla waafaqay in Xisbiga KULMIYE oo ah xisbi mucaarad ah, kaalin mug lehna kaga jira siyaasadda dalka, isla markaana saami weyn ku leh xubnaha Golayaasha Qaranka, taageero badan ka haysta shacabweynaha Somaliland.

6. Markii ay is-waafaqeen dadaalka Xisbiga KULMIYE ugu jiro wax-ka-bedelka xaaladda siyaasadeed, dhaqaaleed iyo bulsho ee dalku maanta ku jiro iyo dareenka ka biyo-diid ee Garabka Isbedel-doonka UDUB ee xil-gudasho la’aanta xukuumadda Rayaale, ayaa labada dhinac ee Hoggaanka KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB iyagoo tixgelinaya arrimaha aynu kor ku soo xusnay waxay isla qaateen qodoban;

-Inay lagama maarmaan tahay ilaalinta iyo dhowridda haykalka dawladnimo iyo Qabyotirka dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u dejisan.

-Sugidda iyo madaxbannaanaynta Hay’adaha ay ka mid yihiin Garsoorka, Hantidhowrka iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka.

-Dib-u-eegidda iyo diyaarinta qorshe horumarineed ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ah.

7-Dhinaca kalena guddiga loo xilsaaray soo dhoweynta iyo is-dhexgalka KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB waxay isla qaateen;

-In garabka Isbedel-doonka UDUB oo isugu jira xubno ka tirsanaa Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Golayaasha Qaranka iyo waliba garabyada haweenka iyo dhalinyarada ee Xisbiga UDUB si rasmiya loogu soo dhoweeyey Xisbiga KULMIYE, isla markaana loo diyaariyo kaalinta kaga aaddan ka-qaybgalka hawlaha ku lug leh barnaamijka Ololaha Doorashada Madaxtooyada.

- In kaalinta iyo saamiga xileed ee ay ka qaadan karaan mas’uuliyiinta ka soo digo rogtay Xisbiga UDUB ay kala mid yihiin madaxda kale ee Xisbiga KULMIYE, lana soo hordhigi doono codsigooda shirka ugu horreeya ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE yeesho, iminkana ay ka qaataan kaalintooda abaabulka, wacyigelinta iyo soo xero-gelinta taageerayaashooda

No comments:

Post a Comment