Sunday 25 April 2010

qaybtii ciyaaraha ha moogaanina

Man United Oo Qabatay Hogaanka Horyaalka Iyo Arsenal Oo Is Badh Qabatay

Waxa cirka isku sii shareeray xiisihii iyo xamasadii horyaalka ingiriiska, kadib markii ay kooxda Manchester United u taalaabsatay xaga hore ee ay la wareeegtay hogaanka horyaalka ingiriiska.

Xidiga reer Portugal ee Nani, ayaa guusha u saxeexay kooxda Manchester United, oo kooxda Tottenham kaga badisay 3 gool iyo gool.

Manchester United ayaa hada hogaanka u haysa premiere League Ingiriiska, waxayna urursatay 79 dhibcood, oo laba dhibcood ayey ka horaysa kooxda ku xigta ee Chelsea.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa gool la'aan ku dhamaatay, hase yeeshee, daqiiqadii 58 ayaa gool-ku-laad loo dhigay Manchester United waxan u dhaliyey, Ryan Giggs.

Ciyaarta oon 20 daqiiqo ka hadhay ayaa Tottenham dhalisay gool ay kula simantay Manchester United, waxana madaxa ugu dhaliyey Kabtankooda, Ledley King.

Daqiiqadii 81aad, ayaa Nani goolkii guusha u dhaliyey Manchester United, isagoo kubada ka dul laliyey gool-hayaha Tottenham,Gomes.

Ciyaartii oo afar miridh ka hadhay ayaa hadana mar labaad , waxa garsooruhu u dhigay gool-ku-laad kale, oo isna mar kale u dhaliyey, Ryan Giggs. Ciyaartiina waxa ay ku dhamatay 3 gool iyo gool ay guul iyo hogaanka horyaalkaba kuwada hanatay kooxda Manchester United. Guushanina waxa ay dhinbiil ku noqotay kooxda Chelsea oo raadco ugu jirta in ay Manchester United ka hor istaago hanashada horyaalka, ee markii afraad oo xidhiidha.

Dhanka kale ciyaar aad u xiiso badan oo dhex martay kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa waxay ku dhamaatay 0-0 labada kooxood isku mari waayeen.

No comments:

Post a Comment