Monday 19 April 2010

Diblomaasiyiin Faransiis Ah Oo Jooga Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Kulana La Qaatay Hogaamiyayaasha Siyaasadda iyo Golayaasha Qarranka

Madaxa qunsuliyadda faransiisku ku leeyahay magaalo madaxda dalka Jibouti ee Jibouti Mrs Dominique Decharfe iyo wefdi ay hogaaminayso ayaa shallay gallab waxay soo booqasho rasmi ah ku yimaadeen xarunta jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa

Wefdi ay hogaaminaysay sarkaaladda ka tirsan qunsuliyadda faransiiska ee magaalada Jibouti ayaa waxay kulan la yeesheen Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cismaan Aadan labada dhinac ayaa waxay si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka curdinka ah ee dhawaan dalka faransiisku la yeeshay Somaliland waxaa sidoo kale ay haweenaydani diblomaasiyadda ahi ay ka jeedisay kulankaasi hadal iyadoo si weyn u tibaaxda in dalka faransiisku ay taageersanyahiin dimuqraadiyada iyo madax banaanida Somaliland, waxay sheegtay inay indhaha ku hayaan doorashooyinka dhawaan ka dhacaya Somaliland oo ay qayb weyn ka cayaari doonaan.

Haweenaydani Mrs Dominique waxay sidoo kale la kulantay madaxda koomiishanka doorashooyinka qarranka Somaliland oo ay ka weraysatay qaabka ay u socoto doorashooyinka Somaliland, waxay sidoo kale la kulantay hogaamiyayaasha xisbiyada iyo weliba shir guddoonada labada gole ee Somaliland.

waxaa dhawaan sidoo kale dalka yimid Wefdi uu hogaaminayo ku xigeenka safaaradda Britain ay ku leedahay magaalada Addis Ababa Marshall, sidoo kalana waxaa maalmaha soo socda la filaya inay dalka yimaadaan diblomaasiyiin iskugu jira faransiis, swedish, jarmal iyo Denish

No comments:

Post a Comment