Saturday 17 April 2010

Kooxo debley hubaysan ayaa Badhtamaha Ceerigaabo ku dilay nin lagu magacaabo Faarax C/laahi Jibriil(midhey),

kuna dhaawacdey Nin kale oo la yidhaahddo Shiine Yaasin Xiin Finiin,Siddaana waxa u xaqiijiyay TogdheerNews dad goobjoogayaal ku sugan magaaladda Ceerigaabo oo khadka Telefoonka kula xidhiidhnay.
Sidoo kale,afar Nin ayaa lagu afduubay, tuuladda Damala Xagarle, oo Koonfurta Bari kaga Beegan magaaladda Ceerigaabo, kuwaaso ay Dabley hubaysani ka xaysteen, waxaana la sheegay Ragan la Afduubay inay hayb Qabiil lawadaagaan dableyda dilka ka gaysatay magaaladda Ceerigaabo.
Booliska magaaladda Ceerigaabo ayaa iyagu ku guuldaraystay Qabashadda , Kooxddan falka Dilka gaystay, kuwaaso la sheegay inaan la ogayn, meel ay uga Baxeen magaaladdda Balse, la sheegaayo inay u kaceen dhinaca Baadiyaha.
Falalka dilalka ee ka dhacay magaaladda Ceerigaabo, ayaa lagu tilmaamay inay daba socoto Aanooyin hore uga dhexeya laba ka mid ah Beelaha halkaasi wadda dega.
Masuuliiyiinta maamulka gobolkaasi ayaa Dadaalo ugu jira Xalinta Arrintan, Balse illaa hadda aan ku guulaysan wax ka qabashadda Arrintaasi, inkastoo la sheegay in dacwaddo la xidhiidha Arrimahan Aanooyinka ee u dhexeeya Beelahaasi Hore loo gaadhsiiyay Maamulkaasi,kana gaabiyay dhamaystirka hawlahaasi

No comments:

Post a Comment