Wednesday 21 July 2010

Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah madaxweynaha loo doortay ee Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay la kulmay safiirka faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti oo


socodaal ku yimid magaalada Hareygsa ee xarunta Soomaaliland.

Kulanka ay yeesheen labada Mas’uul oo ka dhacay guriga uu madaxweynaha la doortay ka dagan yahay magaalada Hargeysa, ayaa waxey ka wada hadleen arrimaha ay ka mid tahay xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaaliland iyo Faransiiska.

Safiirka faransiisku wuxuu Soomaliland ugu hambalyeeyay habkii wanaagsanaa oo ay doorashooyinkii dalkaasi u abaabuleen.

Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti Mr. Dominic oo saxaafada la hadlay kadib markii uu la kulamay madaxweynaha la doortay ayaa sheegay in safarkiisu uu yahay mid ay ugu hambalyeeynayeen madaxweynaha cusub ee la doortay.

Safarka safiirka oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan golaha Baarlamaanka ee dalka Faransiiska ayaa, sidoo kale madaxweynaha la doortay kala hadlay arrimaha burcad badeeda Soomaaliyeed ee ka qowleysata xeebaha dalka Soomaaliya.

Safiirka iyo xubnihii la socday ayaa waxaa la geeyay xabsiga degmada Mandheera oo ay ku jiraan maxaabiis u xirxiran danbiyo xaga burcad badeednimada ah.