Wednesday 28 April 2010

DALJIRE: Xeerka Anshaxa Mafrishka



Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Faataxa. Waar bal u faatheeya macallinkeenii weynaa ee geeriyooday marxuum Maxamed Gaaxnuug (xaji Kidifaaar)Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo. Faataxa Mujaahid Xasan Ciise Hooyadii. Faataxa gabadhii Ina Sheekh timoweyne dhalay ee daadku ku qaaday Uubaale, faataxa saddexdii nine e Dooxa Caloola ee Dacarbudhuq daadku ku qaaday.Faataxa dadkeenii ku geeriyooday maqaadiirtii Ilaahay roobka u soo raaciyay. Kuwa dhaawacmay iyo kuwa ku guryo beelayba ilaahay caafimaad iyo cawilnaq aynu uga barino. Ilaahay Madaxweyne ku-xigeenka caafimaadka haw siyaadiyo isaga wixii muslimiin ah ee cillad cudur haysaba. Aaaaamiin.
Doolaal: Waaryee waa maalintuu is wanaajin jiraye. Aaamiiin.
Dubbe: Waar illayn waa dadkaygii oo dhiig iyo dheecaan baanu wadaagnaa oo waan ka naxayaa reer Somaliland oo dhane ma maqashay wuxuu Ina Rayaale yidhi markii loo sheegay guryaha dabayshu dumisay?
Doolaal: Mabuu joogine muxuu yidhi ee aad sheegaysaa.
Dubbe:nin la socday oo in la magacdhebo diiday waxoogaa dano ah oo kaga xidhan dartood ayaa iiga warramay. Wuxuu yidhi.”markii naloo sheegay aqalada dabayshu dumisay anagoo meel hudheelka ka mid ah fadhina,halkaanu wax kale iyo inuu naxo ka eegaynay ama uu yidhaahdo inna celiya masiibaa dhacday eh; ayuumbuu intuu xaaskiisii ku jeestey yidhi. “guryahan dumay baan ku xasuustaye, gurigeenna France ku yaalay iyo Qaahira keebaa maqsino badan bay ahayd? Teeda kale beerta ubaxa ma xagani hore ayuumbuu ku lahaa mise way ku wala wareegsanayd bay ahayd?Weli nin Madaxweyne ah oo masiibada dadkiisii ku habsatay ku xusuusta beerta ubaxa ah ee gurigiisa ku taal iyo inta maqsin uu yahay ma la arkay? Ku darso oo lacagta guriga laga dhisay ee ubaxa laga beerayna dadkan saboolka ah ee masiibadu ku dhacday ayaa laga dhacay. EEEEEEEbow. Adigaa weyn. Waar miyaan lays xisabi doonin.
Doolaal: Waar Ilaahay ka yaab malaa waxaa muu odhane.
Dubbe:Waar ninkan malaa weli war baa kugu dhiman nin yahaw. Ma ninkan u haysta inuu ina leeyahay oo aynu u wada shaqayno ee illaabay amase allaaway, waa halkii reer bariga eh,inuu inaka inoo shaqeeyo oo lacagteenii daldasho. Ma maqlaysay wuxuu yidhi markuu dhoofayay?
Doolaal: Muxuu yidhi?
Dubbe: Waa ninka ku leh. “waan dhoofayaa markaan soo noqdo ayaan idiin sheege waxaan doonay.” Waar lacagtayadii aanu ka bakhtiyaynay baad kolba meel ugu dhoofaysaa adigoon waxba noo soo qabanayn oo markaasaad leedahay weliba idiin sheegi maayo halkaan ku so socdo. Qoodhiin iyo dhedigiin Soomaalilaandeey ma ninkaasaa haddana cod idin weydiisan doona bishan soo socota ee dhow oo qaar intay laba addin is daba dhigaan u soo codayn doonaan? Mise waa “Garbo-diiri nin daguugan ma weydo.” Ayaan daranaa dadkaygu.
Doolaal: Madaxweynuhu saw inuu hawsha qaranka sir ka dhigo maaha. Cadaw badan baynu leenahay. Nacab baa meel walba jooga...
Dubbe: waaryaa waaryaa. Waar salla calee. Waar hayla soo gelin nacnacda. Keebaa sir qaran qarinaya? Muu iska badheedho oo yidhaahdo waxoogaa aan Djibouti ku qarsanayay ayaa laygaga fadhiistay oo aan ka daba tegeyaa dabadeed shirkaddii faransiiska ahayd bal waxii Alla naga siiyo ayaanu ka soo qaadan doonaa. Hadduu sidaa u hadlo waa xaal rag baanu odhan lahayne.
Doolaal: Ninkaad leedahay hawl qaran kuma jiro sida loo soo dhoweeyay ma arkaysay?
Dubbe: Soo dhoweynna ma arkayne inuu salaam miskiin dadka isku duubayay ayuumbaan arkayay. Maxaa u diiday inuu sidii Madaxweyne wax u salaamo isagoo qotoma. Ma subxaanyo geed kortaybaa? Dadkuunbuu isku marayaa. Waar naga daayo ma haddaa tidhaahdeen qashinkana iskama qaadi kartaan?
Doolaal: Booto weynidaa maxaa min Madaxweyne illaa qashin gur isga kaa tallaabiyay? Waa maxay qashinka aad sheegaysaa?
Dubbe: Horta Wasiirrada maalinba mid baan is idhaahdaa kanaa ugu liitaa laakiin weli Cabdillahi Cirro mid ka liita ma arag. Waa ninkii yidhi. “dad baa halgankii SNM ku faana. Anaga waxa naga soo maray iyo qaybtaanu ka qaadanay miyay ogyihiin.” Mayee noo sheeg baa la yidhi. Wuxuu yidhi. “berigii taliyihii NSSta ee Hargeysa Axmed Sh. Aadan SNM dishay ayaa aniga iyo gabadh aanu Xamar wada joognay naloo hanjabay oo la yidhi waad ku jirteen shirqoolka. Niman Marreexaan ah ayaa nalooga taag waayay. Waa nala xidhi gaadhay” “Hayeeeeee. Oo dabadeedna maxaa dhacay?” Baa la yidhi. “Dee niman kaloo Mareexaan ah baa ku yidhi “waar ninkani waxba kuma jiro shirqoolna, SNMna shaqo kuma laha ee waa inaka ee iska daaya.”
kkkkkkk. waaar qosol dee. Waa maxay qofku.
Doolaal: Maxaan ku qoslaa dee. Sheekada dhamee horta. Siduu markaa halgankii uga qayb qaatay? Wuxuu lahaa na weydiiya waxa naga gaadhay halgankii meeye dee?
Dubbe: Bal adba! Weliba buug baan ka qorayaa buu yidhi.
Doolaal: Muxuu sameeyay iminka ee aad ku keentay?
Dubbe: dorraad buu dad iskood isu abaabulay oo qashin xaafadoodii ka quraya soo xidhxidhay gawaadhidii ay qashinka iskaga gurayeen. Weligaa waxaasoo kale miyaad aragtay. Maalin dhoweyd arrintu waxay taagnayd waan ciyaari iyo ciyaari maysid. Hadda waxay maraysaa qashinka waan iska qaadi iyo iska qaadi maysid. Bal Somalilanday arrintaa ka taliya.
Doolaal: Waxaasi wax jira maaha malaha.
Dubbe: Wallaahi way jirtaa. Markaasuu weliba intuu tegey kulan cilmiyeed Booliska lagu taba barayo khudbad ka jeediyay oo yidhi. “Booliska waxaan leeyahay xuquuda muwaadinka ilaaliya.” Siduu askarigu u ilaalinayaa marna waxaad faraysaa kii qashinka iska qaadaya soo xidh marna xuquuda muwaadinka ilaali. Iyamaad waalan tahay? Bal Soomalinadeey caqligaa eega.
Doolaal: Waar naga tag anagaaba ku rumaysan gaadhnaye.
Dubbe: Iska daa waxaasoo halkan saxeex.
Doolaal: Maxaad leedahay saxeex?
Dubbe: Waa xeerka Anshaxa doorashada ee Mafriska.
Dubbe: Waar waxba garan mayside meesha saxaafaddu marto lagama hadho. Caqligii oo dhan baa maray meeshay maraan. Eeg sideedaba suxufigu nacas ma noqdo. Suxufi aydin is diidaan waad arki laakii suxufi nacas ah arki maysid. Saxeex. Haynga saxaafadda. Maalinta lagu dhawaaqo doorashada arrimaheenu siyaasadda iyo barnaamijyada ayuumbay ku koobnaanayaan illaa inta ay dhacayso. Danqaabooyinka kale waynu iska deynaynaa. Weliba inagu sida Ina Xaaji Daahir waxaynaan fulin karayn iska saxeexi mayno. Wasiiradii Madaxweynuhu xukumayay baanu aragnay farsamao xumaantoodii mise waa mid meel kale laga xukumo.
Doolaal: Sawdigii lahaa saxaafadda haynaga reebin. Isaga iyo saxaafaddii way heshiiyeen.
Dubbe: Waa rune inaga xeerkeenu wuxuu dhaqan gelayaa maalinta doorasho lagu dhawaaqo. Ta kale waxaan anigu idhi ma saxaafaddaa tidhi maxaa loogu qabsanayaa?
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Faataxa. Waar bal u faatheeya macallinkeenii weynaa ee geeriyooday marxuum Maxamed Gaaxnuug (xaji Kidifaaar)Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo. Faataxa Mujaahid Xasan Ciise Hooyadii. Faataxa gabadhii Ina Sheekh timoweyne dhalay ee daadku ku qaaday Uubaale, faataxa saddexdii nine e Dooxa Caloola ee Dacarbudhuq daadku ku qaaday.Faataxa dadkeenii ku geeriyooday maqaadiirtii Ilaahay roobka u soo raaciyay. Kuwa dhaawacmay iyo kuwa ku guryo beelayba ilaahay caafimaad iyo cawilnaq aynu uga barino. Ilaahay Madaxweyne ku-xigeenka caafimaadka haw siyaadiyo isaga wixii muslimiin ah ee cillad cudur haysaba. Aaaaamiin.
Doolaal: Waaryee waa maalintuu is wanaajin jiraye. Aaamiiin.
Dubbe: Waar illayn waa dadkaygii oo dhiig iyo dheecaan baanu wadaagnaa oo waan ka naxayaa reer Somaliland oo dhane ma maqashay wuxuu Ina Rayaale yidhi markii loo sheegay guryaha dabayshu dumisay?
Doolaal: Mabuu joogine muxuu yidhi ee aad sheegaysaa.
Dubbe:nin la socday oo in la magacdhebo diiday waxoogaa dano ah oo kaga xidhan dartood ayaa iiga warramay. Wuxuu yidhi.”markii naloo sheegay aqalada dabayshu dumisay anagoo meel hudheelka ka mid ah fadhina,halkaanu wax kale iyo inuu naxo ka eegaynay ama uu yidhaahdo inna celiya masiibaa dhacday eh; ayuumbuu intuu xaaskiisii ku jeestey yidhi. “guryahan dumay baan ku xasuustaye, gurigeenna France ku yaalay iyo Qaahira keebaa maqsino badan bay ahayd? Teeda kale beerta ubaxa ma xagani hore ayuumbuu ku lahaa mise way ku wala wareegsanayd bay ahayd?Weli nin Madaxweyne ah oo masiibada dadkiisii ku habsatay ku xusuusta beerta ubaxa ah ee gurigiisa ku taal iyo inta maqsin uu yahay ma la arkay? Ku darso oo lacagta guriga laga dhisay ee ubaxa laga beerayna dadkan saboolka ah ee masiibadu ku dhacday ayaa laga dhacay. EEEEEEEbow. Adigaa weyn. Waar miyaan lays xisabi doonin.
Doolaal: Waar Ilaahay ka yaab malaa waxaa muu odhane.
Dubbe:Waar ninkan malaa weli war baa kugu dhiman nin yahaw. Ma ninkan u haysta inuu ina leeyahay oo aynu u wada shaqayno ee illaabay amase allaaway, waa halkii reer bariga eh,inuu inaka inoo shaqeeyo oo lacagteenii daldasho. Ma maqlaysay wuxuu yidhi markuu dhoofayay?
Doolaal: Muxuu yidhi?
Dubbe: Waa ninka ku leh. “waan dhoofayaa markaan soo noqdo ayaan idiin sheege waxaan doonay.” Waar lacagtayadii aanu ka bakhtiyaynay baad kolba meel ugu dhoofaysaa adigoon waxba noo soo qabanayn oo markaasaad leedahay weliba idiin sheegi maayo halkaan ku so socdo. Qoodhiin iyo dhedigiin Soomaalilaandeey ma ninkaasaa haddana cod idin weydiisan doona bishan soo socota ee dhow oo qaar intay laba addin is daba dhigaan u soo codayn doonaan? Mise waa “Garbo-diiri nin daguugan ma weydo.” Ayaan daranaa dadkaygu.
Doolaal: Madaxweynuhu saw inuu hawsha qaranka sir ka dhigo maaha. Cadaw badan baynu leenahay. Nacab baa meel walba jooga...
Dubbe: waaryaa waaryaa. Waar salla calee. Waar hayla soo gelin nacnacda. Keebaa sir qaran qarinaya? Muu iska badheedho oo yidhaahdo waxoogaa aan Djibouti ku qarsanayay ayaa laygaga fadhiistay oo aan ka daba tegeyaa dabadeed shirkaddii faransiiska ahayd bal waxii Alla naga siiyo ayaanu ka soo qaadan doonaa. Hadduu sidaa u hadlo waa xaal rag baanu odhan lahayne.
Doolaal: Ninkaad leedahay hawl qaran kuma jiro sida loo soo dhoweeyay ma arkaysay?
Dubbe: Soo dhoweynna ma arkayne inuu salaam miskiin dadka isku duubayay ayuumbaan arkayay. Maxaa u diiday inuu sidii Madaxweyne wax u salaamo isagoo qotoma. Ma subxaanyo geed kortaybaa? Dadkuunbuu isku marayaa. Waar naga daayo ma haddaa tidhaahdeen qashinkana iskama qaadi kartaan?
Doolaal: Booto weynidaa maxaa min Madaxweyne illaa qashin gur isga kaa tallaabiyay? Waa maxay qashinka aad sheegaysaa?
Dubbe: Horta Wasiirrada maalinba mid baan is idhaahdaa kanaa ugu liitaa laakiin weli Cabdillahi Cirro mid ka liita ma arag. Waa ninkii yidhi. “dad baa halgankii SNM ku faana. Anaga waxa naga soo maray iyo qaybtaanu ka qaadanay miyay ogyihiin.” Mayee noo sheeg baa la yidhi. Wuxuu yidhi. “berigii taliyihii NSSta ee Hargeysa Axmed Sh. Aadan SNM dishay ayaa aniga iyo gabadh aanu Xamar wada joognay naloo hanjabay oo la yidhi waad ku jirteen shirqoolka. Niman Marreexaan ah ayaa nalooga taag waayay. Waa nala xidhi gaadhay” “Hayeeeeee. Oo dabadeedna maxaa dhacay?” Baa la yidhi. “Dee niman kaloo Mareexaan ah baa ku yidhi “waar ninkani waxba kuma jiro shirqoolna, SNMna shaqo kuma laha ee waa inaka ee iska daaya.”
kkkkkkk. waaar qosol dee. Waa maxay qofku.
Doolaal: Maxaan ku qoslaa dee. Sheekada dhamee horta. Siduu markaa halgankii uga qayb qaatay? Wuxuu lahaa na weydiiya waxa naga gaadhay halgankii meeye dee?
Dubbe: Bal adba! Weliba buug baan ka qorayaa buu yidhi.
Doolaal: Muxuu sameeyay iminka ee aad ku keentay?
Dubbe: dorraad buu dad iskood isu abaabulay oo qashin xaafadoodii ka quraya soo xidhxidhay gawaadhidii ay qashinka iskaga gurayeen. Weligaa waxaasoo kale miyaad aragtay. Maalin dhoweyd arrintu waxay taagnayd waan ciyaari iyo ciyaari maysid. Hadda waxay maraysaa qashinka waan iska qaadi iyo iska qaadi maysid. Bal Somalilanday arrintaa ka taliya.
Doolaal: Waxaasi wax jira maaha malaha.
Dubbe: Wallaahi way jirtaa. Markaasuu weliba intuu tegey kulan cilmiyeed Booliska lagu taba barayo khudbad ka jeediyay oo yidhi. “Booliska waxaan leeyahay xuquuda muwaadinka ilaaliya.” Siduu askarigu u ilaalinayaa marna waxaad faraysaa kii qashinka iska qaadaya soo xidh marna xuquuda muwaadinka ilaali. Iyamaad waalan tahay? Bal Soomalinadeey caqligaa eega.
Doolaal: Waar naga tag anagaaba ku rumaysan gaadhnaye.
Dubbe: Iska daa waxaasoo halkan saxeex.
Doolaal: Maxaad leedahay saxeex?
Dubbe: Waa xeerka Anshaxa doorashada ee Mafriska.
Dubbe: Waar waxba garan mayside meesha saxaafaddu marto lagama hadho. Caqligii oo dhan baa maray meeshay maraan. Eeg sideedaba suxufigu nacas ma noqdo. Suxufi aydin is diidaan waad arki laakii suxufi nacas ah arki maysid. Saxeex. Haynga saxaafadda. Maalinta lagu dhawaaqo doorashada arrimaheenu siyaasadda iyo barnaamijyada ayuumbay ku koobnaanayaan illaa inta ay dhacayso. Danqaabooyinka kale waynu iska deynaynaa. Weliba inagu sida Ina Xaaji Daahir waxaynaan fulin karayn iska saxeexi mayno. Wasiiradii Madaxweynuhu xukumayay baanu aragnay farsamao xumaantoodii mise waa mid meel kale laga xukumo.
Doolaal: Sawdigii lahaa saxaafadda haynaga reebin. Isaga iyo saxaafaddii way heshiiyeen.
Dubbe: Waa rune inaga xeerkeenu wuxuu dhaqan gelayaa maalinta doorasho lagu dhawaaqo. Ta kale waxaan anigu idhi ma saxaafaddaa tidhi maxaa loogu qabsanayaa?

note: my blog http://somalilandnolol.blogspot.com

HORN OF AFRICA NEWS UPDATE AND ANALYSIS IN THREE LANGUAGES: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. WAA KULAN FIKRADEED IYO BANDHIG ARAGTI SIYAASADEED, DHAQAALE, DHAQAN IYO BULSHO OO KULMISA GEESKA AFRIKA waxaan dad weyno idinka codsanayaa inaad noo soo dirtaan wixii cabasho ah cayduna waa xaaraan


afkaartaadu waa muhiim
num:telesom.4353040
num:somtel.9308433
tel:711533

siilaan iyo riyaale

Dalku Isbedel ayuu u baahanyahay
Waxaynu maanta kala dooraneynaa horumar iyo shan sanadood oo dambe oo rafaad ah. Waxaynu kala dooraneynaa in aynu kharajka yar ee dalka soo gala aynu daaro dabaqada ah kaga dhisno Paris , shaariqa, iyo afrikada bari oo aynu udub doorano. iyo in aynu ku dhisno gobolada cusub ee oodweyne, gabiley , badhan, baligubadle, caynabo iyo saylac oo aynu kulmiye doorano. Doorashada iyo codkaaga ma sahlana, ee ogaw. In aynu wadada odweyne dhisno waxay ku xidhantahay codkaaga.Waxaa xaqiiqa ah hadaad codkaaga siiso UDUB, waxaa laga qaado iyo waxa ummadaha kale ku siiyaanba waxay sii kordhinayaan dabaqyo laga sii dhisayo yurub .
Tahriib, shaqo la.aan, ciidamu bilaa darajo ah, lacagta giimbaarta ah ee burco, daryeel la,aan caafimaad iyo waxbarasho. Musumaasaq, cadaalad daro, ganacsi koota, run aan la sheegeyn, wado ciid la dhigaayo , iyo warshad sibidh oo dhagax la dhigaayo waa udub dooro. Intaas oo aynu wax ka qabano wax ka beddelo waa kulmiye dooro. Labadaa wado way kala cadyihiin. Codkagaa oo aad meel khaldan mariso aad mar kale udub doorataa waa naftada oo aad khiyaameysay ama waa garashola,aan.look before you leab

hees cusub 2010

heesaha nimco dareen dadwaynoow ila daawada

Tuesday 27 April 2010

heesihii waayo cusub kusoo dhawaada gacmo furan

dr cabdi aw daahir iyo shirkii manchester


dr cabdi aw daahir iyo shirkii manchester


Monday 26 April 2010

ILAAHAW NA DIL OO HA NA DOORIN ABWAAN SINGUB OO AAD ISU BADALAY LANA BAXAY MR QASAAYE QABIIL QAATAYþ

MA TAQAAN MAXAMUUD CABDILAAHI SINGUBWaxaan aaminsanahay in dadka ku hadala luqada soomaligu ay aad u yaqaanaanabwaanka wayn ee caanka ah .Markaad abwaan iyo hal abuur soo qabsato waxa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya rag badan oo uu singub ka mid ahaa1.maxamed cumar [huryo]2.axmed saleebaan bide3. cabdi aadan [cabdi qays]4.hadraawi5. xasan qawdhan 6. cali sugule7. iyo abwaankeenii waynaa singubhadaba maxay tahay waxa dooriyay singub ee sharaftii iyo karaamadii ka xayuubiyaymaxay tahay waxa keenay inuu abwaanku ka soo dego heerkii uu taagnaakuna hoos celiyay meel aan u qalmin.[ilaahaw na dil oo ha na doorin]ragan kor ku xusan hadaan mid ka mida soo qaato iyo sumcada ay umada dhexdeeda ku leeyihiin.Waxaan soo qaban karaa MUDANE ABWAAN HADRAAWIHadraawi waxa loo qabtay xaflado badan oo aad loogu xusay taariikhdiisaWaxa loogu magac daray meelo badan sida dugsiyada wax laga barto iyo rugaha caafimaadka, xataa waxaad arkaysaa cadarada oo qaarkood asaga loogu magac daray sida [ hadraawi cadar] in kastoo shakhsiyan aan ka soo horjeedo in cadaro loogu magac daro abwaanka waayo cadarka iyo waxaasi waa shuqul dumarbalse kolay waxay ka wadaan oo kaliya waa QADARIN IYO XISHMAYN ay abwaan hadraawi u hayaan.Hadraawi wuxuu ahaa ninkii horkacaayay wafdiga balaadhan ee ilaa kismaayo socday qasdigooduna ahaa nabadaynta umada iyo isu soo dhawaynta shacabka asagoon qabiil iyo reer hebel midna eegayn.Hadaba singub oo aan lahaa DARAJADAAS oo kale ayuu leeyahay ama waabu ka sarayn sawkan HABAASKA BUDHAA KU HAYA MAAHA.Maxaa casilay singub ee hooos ugu celiyay qabiil iyo qabyaaladSingub oo aan lahaa maanta wuxuu dadkiisa baahan ee gumaysiga ku hoos jira ayuu inta itaalkii magaalada hargaysa gabood uga samayn .asagoo adeegsanaya macrifadii waynayd ee uu u lahaa somaliland ayaa maanta asagii noqday WIIL YAR OO JABHADAYNAYA asagoo marba hees yar iyo rasaas yar meel kasoo ganaaya.AAdbaan ugala hanwaynaa intan abwaan maxamuud cabduilaahi singubWaxa abwaanku dhulka jiiday nagacii waynaa ee soomali aad u taqaanay laguna bartay hal abuurnimo, majaajilo iyo waliba asagoo abwaanku markuu doono heesa.Waxa ila quman in singub maanta magaca badalo lana baxo MR QASAAYE QABIIL QAATAY.Magaca maxamuud cabdilaahi singubna uu taariikhdiisa soo afjaro una daayo darajadii uu lahaa .[HIBO EEBE KU SIIYAY HABEEN LAYSKAMA QAADO]Waa xaqiiq in qofku sida uu u dhaqmo karaamadiisuna ahaanayso Hadaba waxaa leeyahay mr qasaaye qabiil qaatay heestaadii ugu danbayday ee u dhiibtay alfanaana saado cali.MA ka fikirtay marka hore waxaad ka hadlaysaa inay suurtoobi karaan ama socon karaan.MR QASAAYE QABIIL QAATAY waxaan ku leeyahay wali miyaad aragtay diyaarad ka soo kacda madaarka magaalada oo ka dibna duqaysa isla magaalada ay ka soo kacayso.mr qasaaye qabiil qaatay waadigii hargaysa joogay markii duqayntaasi dhacaysay ee askarta iyo saraakiisha diyaaradaha iyo madaafiicda ku garaacayay hargaysa ay isla magaalada ay duqaynayaan hadana u soo qado tagi jireen markay joojiyaan duqaynta.SAW ma xasuuusatid marka ay dukaamada soo galaan ee dumarka iyo caruurrtu ku odhan jireen WAAR MAA NAGA DAYSAAN MADAAFIICDA IYO DUQAYNTAwaxay ugu jawaabi jireen adigu waad ogayd [ QOSOL IYO CAYAAR CAYAAR WAXAY ODHAN JIREEN HAL MAAALIN KA BACDI WAA LA JOOJINAA ]Adigaa ka markhaatiya oo waqtigaa hargaysa joogay ahaana gudoomiyihii tiyaatarka magaalada hargaysa.MR qasaaye qabiil qaatay adaa ka markhaatiya in xaqdaro meesha ka dhacdayMaanta oo halgan dheer la soo galay horumarna la gaadhay ma kula tahay in sidaada in dib loo noqonaayo jawaabtu waa maya.Ma kula tahay in calankan la taagay layska taagay oo cayaar cayaar loo taagayjawaabtu waaa maya cayaar cayaar looma taagin.Miyay kula tahay in cayaar cayaar dabka loogu guray intii mujaahid iyo mujaahidad loogu jeclaa.MR QASAAYE QABIIL QAATAY BAL MARKA HORE CAQLIGA KAGA YARA SHAQAYSII INTADAN HEES ISKA SOO MAGUUJIN.mr qasaaye qabiil qaatay ma maqashay in diyaarada daalo dhawr jeer dhici gaadhay oo maxay u dhici gaadhay.MARKA dayaaradu soo gasho hawada somaliland ee pilotku sheego in hada dayaaradu dul marayso hawada somaliland ayaa dadku hal mar qaylo is qabsataaayagoo ku dhawaaqaya erayo wadaniya iyo kalgacayl ay u qabaan somalilandka dibna waxay bilaaba sacab iyo cayaar iyo farxad taasina waxay keentaa in dadka badankiisu waqtiba u waayo inuu suunka xidho .Balse marka pilotku dhawr jeer hadlo ayaa la kala fadhiistaa oo suunka la xidhaa si dayaaradu u gududato safarkeeda.mr qasaaye qabiil qaatay GUDCUR AYAAD GUDAYSAA umada ilaa xad sidaa u jecel dalkooda ayaad leedahay SANDULE IYO QASAB AYAA LA IDINKU YEELSIINAYA SOMALI WAYNKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK AAD BAAN UGU QOSLAY .Gabagabdii Hadii ay busaaradii iyo colaadi aad idiin saamaysay horta may ahayn inaad xaasidnimo marba aflagaado soo tuurtaan.Anagaaba ilaa 50 kun oo qaxootiya idiin hayna dadka idin caawiyayna anagaa ugu badan ee idin siinay meel aad ku nasataan oo nabad ku heshaan laakiin ABAALKA MA GUDAAN.Hadaba ma laga yaabaa heestaada mooyee INAAD FIDNO HADA AAN DADKU OGAYN INAAD ABUURTO.ma laga yaabaa mr qasaayoow inaad dadka wax fahansiiso oo qabyalada aad rabto lagula wado.mr qasaaye qabiil qaatay waxaan talo ku odhan lahaa AWOOW SALAADA ISKA TUGO OO ISKA CIBAADAYSO qaskana iska dhaaf iyo afaara qabiilka XAGAA IYO AAKHRIRO AYAA MALAA KULA HABOON INAAD WAX HOR MARSATO

Sunday 25 April 2010

qaybtii ciyaaraha ha moogaanina

Man United Oo Qabatay Hogaanka Horyaalka Iyo Arsenal Oo Is Badh Qabatay

Waxa cirka isku sii shareeray xiisihii iyo xamasadii horyaalka ingiriiska, kadib markii ay kooxda Manchester United u taalaabsatay xaga hore ee ay la wareeegtay hogaanka horyaalka ingiriiska.

Xidiga reer Portugal ee Nani, ayaa guusha u saxeexay kooxda Manchester United, oo kooxda Tottenham kaga badisay 3 gool iyo gool.

Manchester United ayaa hada hogaanka u haysa premiere League Ingiriiska, waxayna urursatay 79 dhibcood, oo laba dhibcood ayey ka horaysa kooxda ku xigta ee Chelsea.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa gool la'aan ku dhamaatay, hase yeeshee, daqiiqadii 58 ayaa gool-ku-laad loo dhigay Manchester United waxan u dhaliyey, Ryan Giggs.

Ciyaarta oon 20 daqiiqo ka hadhay ayaa Tottenham dhalisay gool ay kula simantay Manchester United, waxana madaxa ugu dhaliyey Kabtankooda, Ledley King.

Daqiiqadii 81aad, ayaa Nani goolkii guusha u dhaliyey Manchester United, isagoo kubada ka dul laliyey gool-hayaha Tottenham,Gomes.

Ciyaartii oo afar miridh ka hadhay ayaa hadana mar labaad , waxa garsooruhu u dhigay gool-ku-laad kale, oo isna mar kale u dhaliyey, Ryan Giggs. Ciyaartiina waxa ay ku dhamatay 3 gool iyo gool ay guul iyo hogaanka horyaalkaba kuwada hanatay kooxda Manchester United. Guushanina waxa ay dhinbiil ku noqotay kooxda Chelsea oo raadco ugu jirta in ay Manchester United ka hor istaago hanashada horyaalka, ee markii afraad oo xidhiidha.

Dhanka kale ciyaar aad u xiiso badan oo dhex martay kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa waxay ku dhamaatay 0-0 labada kooxood isku mari waayeen.

SOMALILAND: Heavy rains kill 9 and destroy 120 homes


Heavy rains with strong winds swamped parts of Somaliland last night, damaging hundreds of private properties and claiming at least nine lives.

At least nine people including two children were killed in fresh floods in and around the capital when heavy rains dropped 20- 25 millimetres of water across the city in ten hours. The relative of a deceased mother told Somalilandpress’s Abdiqani, that Zainab Hassan Mumin of 15 children was killed when she got electrocuted by a downed power lines in her Mohamoud-Haybe neighbourhood home.

Unconfirmed reports reaching Somalilandpress from the village of Ubale said that three people were swept away by the flash floods when they fell off a milk-truck. Ubale, like Hargeisa, is also part of Marodi Jeh region formerly known as Waqoyi Galbed.

A doctor from Hargeisa’s general hospital also told Abdiqani that, they received seven injured people while they also been notified that at least two more are been treated in Manhal hospital for similar injuries after roofs collapsed on them. Four more injured people were rushed to Edna Adan Maternity hospital after their home was struck by a lightening.

Three men were also killed yesterday when their Grande Mark II fell into a deep gully in the outskirts of the city emerging from one of the dry river banks created by years of soil erosion and running water.

The rains have also damaged more than 120 homes in Hargeisa, lifting the zinc plate roofs and downing power lines. It’s unclear if the rains also damaged schools and government buildings, but a number of small shops were heavy flooded in the Ahmed-Dhagah neighbourhood.

Local people blame the lack of proper flood control infrastructure and methods including drainage system, levees and retention basins for the continuous flood problems in major towns of Somaliland.

Somaliland lacks proper road signs including signs warning of floods and deep gullies. People are unfamiliar with the road often run into a deep gully. Also, mud-slides and soil erosion are common. Roads and streets don’t often get closed during heavy rains as well and this is a problematic the civilians say, however, no one does any thing about it.

In late 2006, the Somaliland Flood Control and Water Management Project, with the aim of reducing flooding by improving water conservation and managing flooding events in the Hargeisa river basin was established under the auspices of the UNDP Livelihoods Programme. The organisation with the collaboration of local communities, the Municipality of Hargeisa and Gabiley, the Hargeisa Water Agency as well as number of NGOs has since carried out a number of community projects in and around Hargeisa.

The heavy rains have been reported in most western and southern parts of Somaliland, stretching from Hargeisa and as far as Las Anod in Sool. No official data has been yet released about the level of damages the rains have caused, however, the worst hit area is said to be the Mohamoud-Haybe and Ahmed-Dhagah neighbourhoods, in particular the suburbs of Alamadaha, October, and Sinay of Hargeisa.

Somaliland elections: Who will decide, you or ISSA?


Somaliland elections: Who will decide, you or ISSA?

HARGEISA (Somalilandpress) — As many of you already know, we’ve previously published the below report; however we decided to put it on hold as we gathered information.

Yes, a number of minor web sites looking for attention also accused us of writing it and that we were ‘pro-UDUB’. Let us make it clear, we are no pro-UDUB nor Kulmiye or UCID, we are the voice of Somaliland and we will always represent you regardless of your party.

How many web sites, do you know, in the short time we were around, that introduced as many stories about Somaliland, to the world audience? Not many, if any.

We will publish the article again so you know the truth, first of all we can confirm to you all that the report was indeed produced by Defense & Foreign Affairs, which is part of the International Strategic Studies Association (ISSA), “for its government audience” according to the president of ISSA, Mr. Gregory R. Copley.

Mr. Copley admits that the report was leaked to the media. “That is, in fact, produced on a confidential basis for government members of ISSA, so I am unaware as to how it may have been leaked to the media,” Mr. Copley told Somalilandpress.

We asked him, who are these “government members” but so far he has not responded to us but we assume it’s United States, United Kingdom, Australia, Canada and possibly few other Western nations.

Mr. Copley is the author of “The Art of Victory” and has been awarded with number of Orders including the Order of Australia in 2007 by the Australian Governor-General, Major-General Michael Jeffery –who is the Principal Companion and Chancellor of the Order on behave of the Queen. For some reason, Mr. Copley, reminds me of Cecil John Rhodes, maybe like Mr. Rhodes, he too has that ‘imperial factor’. The Queen, properly saw that in him too.

We believe, Mr. Copley is very powerful man and we feel, Somalilanders have the right to know about their plans for the region, whether you approve of their report or not.

The accusations against Kulmiye are very serious and we should do every thing to protect our stability and democracy regardless of what West says about our candidates, whether you support UDUD, UCID, or Kulmiye.

Indeed, all eyes are on Somaliland and this elections, it’s very possible, that Somaliland might get recognized as so many think-tanks, ambassadors and diplomats descend upon Addis Ababa and Nairobi to discuss Somaliland.

We urge everyone to put national interest before the party, tribe and their personal political gains. Remember, this man, claiming that honourable Silanyo and other Somalilanders, have links with terrorism, is like you and wants nothing for himself but placing his national interest before his personal gains. Just read more about his book: “The Art of Victory is based on the author’s four decades of work at the highest levels of governments around the world and was originally written as a guide to national leaders to shape long-term strategies for national success.” It is also the reason the Queen has honoured him, and so now, don’t let him turn you against each others, before Kulmiye, Udub and Ucid, we are Somalilanders. Wihout peace Udub, Kulmiye and Ucid are all nothing and Somaliland is no different to Somalia.

We published this article not for Udub, certainly we are not UDUDpress, nor any other party but you have right to know and decide your future for your nation. We also thank Mr. Copley for his information and we just wish to tell him that, we also have right to publish this under the Freedom of Information Act (and if you don’t respect that then give that Order of Australia back because in Australia, where I am, they do).

We also urge, the accused men, Mr. Abdul-Aziz Samaale, Dr Mohamed Abdi Gaboose, and Eng. Mohamed Hashi Elmi, not to point fingers at UDUD camp and attack them, because that’s what they want. Act civil and hold a press conference and address the people of Somaliland. We do not want to see or hear, exchange of verbal abuse, we have Paltalk for that, thank you.

Finally, we ask the leaders and their parties, what are your party policies? So far, we have heard nothing, absolutely ZERO, attacking each others and saying nasty things about the opposition are not policies

qofma quruxdii togdheer qurbahan kuma doorsadeen

Qofna quruxdii Togdheer qurbahan kuma doorsanine, marka uu hobolka codka macaan C/lahi Qaboojiye heesta sida habsamida ugu luuqaynayo
dadbadan ayaa is waydiiya quruxda Togdheer. Qaarbadan ayaa ku murma oo yidhaahda Togdheer miyaanay ahayn meeshan dhirti la dabarjaray inta soo hadhayna ay bacdu gaftinada ka lulato ee bafta ka hayso. Kolay quruxda qofba si ayuu u yaqana lakin shaki kuma jiro inay qurbaha ka quruxbadan tahay waxaana layidhi hantiye xoolo kamacan. Yaaka qurux badan qofka ku nool magaladii uu ku dhashay ku barbaaray meesha ay joogaan ehelkii, qaraabdi, jiraankii, asaxaabti ay isla soo koreen ee isku fasalka ahaan jirteen (class mates) isku skuulka isku malcaamada ee kubada wada ciyaari jireen. Qofka sakadii uu ka soo waragtaba qof ay isgaranayaan isku salamyaan. Miyaanay ka qurux iyo qiima badnayn qurbahan maskax fardku (stress) yaalo.Qiyaas adigoo hurda salaadi subax marka lagaadho masaajidadii marka ay eedanka isku wada daraan ee cod bahiyayaashu minaaradaha dhaadheeri ku dul xidhni kaa duuliyaan hurdii ee aad jameecada salaadi subax ku tukato ee halka aad hawl maalmeedkagii aduunyo kaga sii bilawdo salaad walbana aad jameeco masjidka ku tukanaysid marka aad hawlagii soo dhamaysato aad kitabkaga xaga masjidka u qadanayso ee aad tafsiirka iyo kitaabada bacda makhrib majidka ka raacanayso. Miyaanay ahayn nimco nimco ku darsantay.Qiyaas jawagii dhexdhexaadka ahaa ee kulayl iyo qabowtoona aan lahayn. Waxba yaanan ku dheeran dareenkan wadaninimo ee sawirka gaarka ah ii leh maanta ee aan qofna ila ogoyn dadka qaarna u arki karaan inay sheekadaydu tahay magaalo khayrka u cay adna hadayn oo aan uga sii gubo mucdi maqaalka. Sidaad la socotan laga soo bilaabo 1997 oo ahayd xiligii dagaaladii sokeeye iyo dhibaatoyinkii ina afeeyey laga soo gudbay waxaay magaalada Burco ku talaabsatay horumar wax ku oola oo la taabankaro oo dhinacwalba ah. Horumarkaas oo intiisa badan dadka reer Togdheer isu xilsareen kuna guulaysteen inay qabsadan waxbadan sida dhisida iyo dayactirka skuulada gobolka oo intooda badan markii hore si iska wax u qabso ah lagu bilabay, cisbidaalka guud ee magalada burco oo iyna iska wax u qabso lagu lagu dayac tiray. Horumarka iyo wax qabadka dadka reer Togdheer waa mid sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa. Gacmo wada jir ayay wax qabsadane waxaa suurto gashay inuu gobolkani yeesho oo laga asaasay cusbitalka Maandhaye oo dadka dhibrirku hayo loogu daaweyo, Jamacda Burco oo Hada ay dufcadii labaad ee ka qalin jibasa ay imtixaanki guud u fadhiyaan, biriijyada dhawrka ah ee fududeeyay isku xidhki magaalada oo baxadeedu maalinba maalinta kadanbaysa sii waynaansa, wadooyin dhawaan dawlada hoose ee burco bilawday oo lami laga dhisayo, iyo biyo xeedhinka wayn ee shalay Beer laga sameeyay ee shalay xadhiga laga jaray ee shirkada Telesom hirgalisay oo kaydin doona biyaha beeralayda magaalda Beer oo ah meesha ugu badane qudaarta magaalada burco lagu cuna ka soo g'odo. Wixii rag u kaco ee rabbina aqbala way rumooban horumar ganacsi oo baladhan ayaa iyana ka socda magalada burco oo ay kutaalo saylada xoolaha nool ee ugu wayn geeska Afrika. Waxaa iyna jira Burco inay tahay magaalda ugu warshadaha badan Somaliland waxaa ku yaala dhawr darsin oo warshado ah oo wax soo saarkoodu gaadho dhamaan gobolada Somaliland iyo dawladaha jaarka ahba. Dadaalka dadka reer Burco mayara dawlada lafteedu waa ka qayb wax qabadka inkasto aanay dhaliisha aanu uhayna marna meesha kabaxayn inta ay lacagta giinbarta shilling Somaliga ah wadhatahay suuqyada Burco. lacagtan oo dhibaato badan oo xaga dhaqaale iyo caafimad daro ku haysa bulshada reer Togdheer oo dadbani xiiq (asma) iyo sanboor ka qadeen madaama ay tahay lacagta gabowday. Kudarso eeda ganacsaduna qayb ayay ka yihiin oo iyaga inbadan isku dhajinayay Burco waa meesha kaliya ee 50shgs 100shgs 500shgs ka socdaan ee ay hadhay. Somaliland iskaba daayo 1000shgs ayaa ugu yar lacagta laga qaato Mogadishu iyo Somaliyada kale xataa. Magaaloyin yar yar ayaa ku gulaystay inay iska badalan oo qataan lacagta Somaliland kuwaa soo ay ka mid tahay dagmada Garadag oo iyadoon cidi kabadalin joojisay isticmaalka lagata giinbaarta. Waxaa kale oo iyan iska joojiyay deeganka dagmad Gashamo ee Reserve Area oo ah meeshi ugu dambaysay ee lacagtan giinbarta ahi ka socon jirtay Kilalka oo birta iyo shillin Sland kuba si isku mida uga shaqeeyaan hada, walibana intii ay lacagta giimbaarta iska joojisay Gaashamo ganacigeedi wuxu ku xidhmay Hargaysa iyo wajaale wana wax burco ka maqan oo giinbartu sabab u tahay. Sikastaba ha ahaate dawlda ayaa looga fadhiya badalka lacagtan giimbaarta ah. Dad badan oo reer Togdheer ah qurba joogto ha u badan yihiin ayaa laydhka caasimadu uga ilays batay ka Burco hantidoodi iyo ganacsigoodina ula wareegay xagaa iyo Hargaysa daaraha hotelada ugu dhaadheer Haraysna badankooda reer Burco ayaa leh laakin taas lafteedu waa hurumarka record ugu jira ee reer Togdheer ku faani karan madaama ay bilicda iyo horumarka caasimadeena oo xaruntii dalka ahna aanu qayb kanahay. Isku soo wada duubo dadaalka reer Burco mayara waxbadan ayaynu qabsanay waxbadana wali waa inaga qabyo oo iyagana insha Allahu tacala waynu qasan doona.




diyaariye iyo isku dibu ridkii libaan cabdi aw daahir


qofma quruxdii togdheer qurbahan kuma doorsadeen


Qofna quruxdii Togdheer qurbahan kuma doorsanine, marka uu hobolka codka macaan C/lahi Qaboojiye heesta sida habsamida ugu luuqaynayo
dadbadan ayaa is waydiiya quruxda Togdheer. Qaarbadan ayaa ku murma oo yidhaahda Togdheer miyaanay ahayn meeshan dhirti la dabarjaray inta soo hadhayna ay bacdu gaftinada ka lulato ee bafta ka hayso. Kolay quruxda qofba si ayuu u yaqana lakin shaki kuma jiro inay qurbaha ka quruxbadan tahay waxaana layidhi hantiye xoolo kamacan. Yaaka qurux badan qofka ku nool magaladii uu ku dhashay ku barbaaray meesha ay joogaan ehelkii, qaraabdi, jiraankii, asaxaabti ay isla soo koreen ee isku fasalka ahaan jirteen (class mates) isku skuulka isku malcaamada ee kubada wada ciyaari jireen. Qofka sakadii uu ka soo waragtaba qof ay isgaranayaan isku salamyaan. Miyaanay ka qurux iyo qiima badnayn qurbahan maskax fardku (stress) yaalo.Qiyaas adigoo hurda salaadi subax marka lagaadho masaajidadii marka ay eedanka isku wada daraan ee cod bahiyayaashu minaaradaha dhaadheeri ku dul xidhni kaa duuliyaan hurdii ee aad jameecada salaadi subax ku tukato ee halka aad hawl maalmeedkagii aduunyo kaga sii bilawdo salaad walbana aad jameeco masjidka ku tukanaysid marka aad hawlagii soo dhamaysato aad kitabkaga xaga masjidka u qadanayso ee aad tafsiirka iyo kitaabada bacda makhrib majidka ka raacanayso. Miyaanay ahayn nimco nimco ku darsantay.Qiyaas jawagii dhexdhexaadka ahaa ee kulayl iyo qabowtoona aan lahayn. Waxba yaanan ku dheeran dareenkan wadaninimo ee sawirka gaarka ah ii leh maanta ee aan qofna ila ogoyn dadka qaarna u arki karaan inay sheekadaydu tahay magaalo khayrka u cay adna hadayn oo aan uga sii gubo mucdi maqaalka. Sidaad la socotan laga soo bilaabo 1997 oo ahayd xiligii dagaaladii sokeeye iyo dhibaatoyinkii ina afeeyey laga soo gudbay waxaay magaalada Burco ku talaabsatay horumar wax ku oola oo la taabankaro oo dhinacwalba ah. Horumarkaas oo intiisa badan dadka reer Togdheer isu xilsareen kuna guulaysteen inay qabsadan waxbadan sida dhisida iyo dayactirka skuulada gobolka oo intooda badan markii hore si iska wax u qabso ah lagu bilabay, cisbidaalka guud ee magalada burco oo iyna iska wax u qabso lagu lagu dayac tiray. Horumarka iyo wax qabadka dadka reer Togdheer waa mid sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa. Gacmo wada jir ayay wax qabsadane waxaa suurto gashay inuu gobolkani yeesho oo laga asaasay cusbitalka Maandhaye oo dadka dhibrirku hayo loogu daaweyo, Jamacda Burco oo Hada ay dufcadii labaad ee ka qalin jibasa ay imtixaanki guud u fadhiyaan, biriijyada dhawrka ah ee fududeeyay isku xidhki magaalada oo baxadeedu maalinba maalinta kadanbaysa sii waynaansa, wadooyin dhawaan dawlada hoose ee burco bilawday oo lami laga dhisayo, iyo biyo xeedhinka wayn ee shalay Beer laga sameeyay ee shalay xadhiga laga jaray ee shirkada Telesom hirgalisay oo kaydin doona biyaha beeralayda magaalda Beer oo ah meesha ugu badane qudaarta magaalada burco lagu cuna ka soo g'odo. Wixii rag u kaco ee rabbina aqbala way rumooban horumar ganacsi oo baladhan ayaa iyana ka socda magalada burco oo ay kutaalo saylada xoolaha nool ee ugu wayn geeska Afrika. Waxaa iyna jira Burco inay tahay magaalda ugu warshadaha badan Somaliland waxaa ku yaala dhawr darsin oo warshado ah oo wax soo saarkoodu gaadho dhamaan gobolada Somaliland iyo dawladaha jaarka ahba. Dadaalka dadka reer Burco mayara dawlada lafteedu waa ka qayb wax qabadka inkasto aanay dhaliisha aanu uhayna marna meesha kabaxayn inta ay lacagta giinbarta shilling Somaliga ah wadhatahay suuqyada Burco. lacagtan oo dhibaato badan oo xaga dhaqaale iyo caafimad daro ku haysa bulshada reer Togdheer oo dadbani xiiq (asma) iyo sanboor ka qadeen madaama ay tahay lacagta gabowday. Kudarso eeda ganacsaduna qayb ayay ka yihiin oo iyaga inbadan isku dhajinayay Burco waa meesha kaliya ee 50shgs 100shgs 500shgs ka socdaan ee ay hadhay. Somaliland iskaba daayo 1000shgs ayaa ugu yar lacagta laga qaato Mogadishu iyo Somaliyada kale xataa. Magaaloyin yar yar ayaa ku gulaystay inay iska badalan oo qataan lacagta Somaliland kuwaa soo ay ka mid tahay dagmada Garadag oo iyadoon cidi kabadalin joojisay isticmaalka lagata giinbaarta. Waxaa kale oo iyan iska joojiyay deeganka dagmad Gashamo ee Reserve Area oo ah meeshi ugu dambaysay ee lacagtan giinbarta ahi ka socon jirtay Kilalka oo birta iyo shillin Sland kuba si isku mida uga shaqeeyaan hada, walibana intii ay lacagta giimbaarta iska joojisay Gaashamo ganacigeedi wuxu ku xidhmay Hargaysa iyo wajaale wana wax burco ka maqan oo giinbartu sabab u tahay. Sikastaba ha ahaate dawlda ayaa looga fadhiya badalka lacagtan giimbaarta ah. Dad badan oo reer Togdheer ah qurba joogto ha u badan yihiin ayaa laydhka caasimadu uga ilays batay ka Burco hantidoodi iyo ganacsigoodina ula wareegay xagaa iyo Hargaysa daaraha hotelada ugu dhaadheer Haraysna badankooda reer Burco ayaa leh laakin taas lafteedu waa hurumarka record ugu jira ee reer Togdheer ku faani karan madaama ay bilicda iyo horumarka caasimadeena oo xaruntii dalka ahna aanu qayb kanahay. Isku soo wada duubo dadaalka reer Burco mayara waxbadan ayaynu qabsanay waxbadana wali waa inaga qabyo oo iyagana insha Allahu tacala waynu qasan doona.


diyaarinta iyo isku dibu ridkii libaan cabdi aw daahir


prepared and edited by liban abdi aw daahir

Saturday 24 April 2010

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Wakiilada oo si ba’an u dhaliilay Xukuumadda Rayaale (DAAWO MUUQAALKA)

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay ballan-qaadyo been ah, isla markaana wuxuu soo jeediyay in aan wakhti badan lagu luminin Xukuumaddan iyo ballan-qaadyadeeda hadda.

Cabdicasiis Samaale ayaa hadalkaa ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay Munaasibad ballaadhan oo Xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed.

Halkan ka daawo Khudbaddii Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Masuul ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga UDUB oo is casilay.

xisbigaasi , Mr Jaamac Maxamuud Cilmi, ayaa manta sheegay inuusi rasmi ah isaga casilay xilkii u hayey xisbiga udub,sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uugaadhsiiyay xafiiskaJamhuriya ee Burco.

Gudomiye xigeenkani waa uu qoraalkiisa ku sheegay in is casilaadiisu ka danbeysay kadib marki ay dhawaan safar ay kaga soo laabteen magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag, isaga iyo xog hayaha guud ee xisbiga udub jaamac yaasin faarax, kana soo diyaariyeen

warbixino ku saabsan xaaladaha gobolkaasi iyo hawlaha Xisbiga,Lana donayey in loo gudbiyo madax weynaha jamhuuriyada Somaliland , balse ay warbixintaasi gudbiyeen dad aan aqoon u laheyn, waligoodna aan arag gobolka sanaag raalina lagaga aha inay gudbiyaan warbixintaasi ,madaama aanay hawshooda ahayn,duruufaha gobolkaasina ka warhayn.Taasina ay wax u dhintay dardar galintii iyo hawlihii xisbiga ee gobolka sanaag.


Waxa kale oo masuulkan u soo jadiyey beelaha wada dega degaanka caeerigaabo ee colaadu iyo xiisadu dhextaal inay arrimahooda nabad kuso dabaalan. Isago carbka ku dhuftay in xukumada haatan jirta ka gaabisay wax ka qabashaada xalaada ka dhex aloosan labada beelood ee walaalaha ee wada dega gobolka sanaag.



waxa uu qoraalkiisa ku soo koobay inuu Is-casilaadiisa si rasmi ugu gudbindoono cida ay khusayso,ayuu yidhi maalmah soo socda,markan ku laabto dhinca hargaysa.

UDUB waxaan odhan lahaa haddaad wax isku falaysaan labada Xisbi Mucaarad ku kala biira”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Fu’aad Aadan cadde oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay ku kacday falal musuq-maasuq, isla markaana ay lunsatay Lacag loogu talo-galay horumarinta gobollada bariga Somaliland.

Labadan masuul oo shalay ka hadlayay Munaasibad Xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed, ayaa sidoo kale, sheegay in Somaliland ay hodan tahay, balse aan si wacan loo maamulin ee la musuq-maasuqay.

Kulan Xiiso Badan oo Madal Furan Su’aalo lagu waydiiyay Xildhibaanno ka mida Saddexda Xisbi Qaran

Kulan su'aaleed aad u xiiso badan oo ay marti ku ahaayeen saddex ka mid

ah mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ka kala




tirsan saddexda xisbi qaran ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, ayaa lagu qabtay shalay hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Mac-hadka caalamiga ah ee IRI, isla markaana nuxurka ujeedadiisu salka ku haysay waxyaabaha u qabsoomay xildhibaanada Golaha Wakiillada ee wakhtigii xilka loo doortay gebagebada ku dhawyahay, arrimaha uu wax-ka-qabashadooda ku fashilmay iyo sababaha keena, waxa lagu martiqaaday Md. Ibraahim Mahdi Buubaa (UCID), Md. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Xoog) - UDUB - iyo Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, kuwaas oo wadajir iyo keli keliba uga jawaabay su'aalo xiiso badan oo madasha ka aloosay xiisad iyo xammaasad ku dhawaanaysay in marmarka qaar lagu orin gaadho xildhibaanka xisbul-xaakimka metelayay oo isku dayay inuu difaaco dhaliilo tiro badan oo ku jihaysnaa xukuumadda talada haysa.

Kulan-su'aaleedkan oo ay ka qaybgaleen in ku dhaw 50 qof oo u badnaa dhallinyaro ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa, kuwaasoo aan si tudhaale lahayn ula boobay saddexda xildhibaan ee madasha loo goleeyey oo dhammaantood laga soo doortay Gobolka Hargeysa, iyadoo su'aalaha ugu cuslaa uguna tirada iyo xiisaha badnaa si gaar ah ka qaybgalayaashu ula bartilmaameedsanayeen Md. Cabdiraxmaan Aw-xoog oo jawaabihiisu u badnaayeen isdifaac keliya oo aan wadan garawshiiyo iyo xagxagashada mucaaridka.

Maxamed Cabdi Xaashi oo ka tirsan hawlwadeennada hay'adda IRI ee barnaamijkan soo qabanqaabisay oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii shirka, ayaa sheegay in kulankani yahay kii saddexaad oo dadweynaha su'aalo furan ku weydiinayaan mudanayaasha ay soo doorteen ee Golaha Wakiillada.

Waxa kale oo sarkaalkani xusay in ujeeddada hay'adoodu ka leedahay qabashada kulamada noocan ah tahay mid looga gol leeyahay tayayna iyo horumarinta adeegyada waxqabad ee Golaha Wakiillada iyo weliba sidii loo abuuri lahaa jawi suurtogeliya xidhiidho joogto ah oo toos u dhexmara shacabka iyo xildhibaannada ay danahooda horumarineed u wakiisheen.

Ka hore intii aan la bilaabin su'aalaha kaqaybgalayaashu weydiiyeen oo dhinacyo kala duwan taabanayay waxa saddexda mudane la siiyey fursado ay min shan daqiiqo si guud-mar ah ugaga xog-warramaan waxqabadyada guud ee Golaha Wakiillada iyo mid walba shakhsiyan waxqabadka horumarineed ee uu dib ugu celiyey bulshada iyo degaannadii laga soo doortay.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ugu horreyn makarafoonka lagu wareejiyay, ayaa si kulul u weeraray xukuumadda talada haysa ee madaxweyne Rayaale oo uu u xambaariyay masuuliyadda waxqabad la'aaneed ee dadweynuhu ka tabanayaan Golaha Wakiillada iyo guud ahaan ragaadka baahsan ee ka muuqda horumarintii adeegyada bulshada ee loo igmaday ee dalka yaal.

Sidaa daraadeed, Md. Buubaa waxa uu ugu baaqay shacabka Somaliland inay codkooda kaga aargoostaan xukuumadda xisbiga UDUB oo uu sheegay in aanay hayn weji dambe oo ay markale ummadda kula hortimaad ballanqaadyo been ah.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ku faanay inuu yahay mudanaha ugu da'ada yar ee ku jira Golaha Wakiillada, waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inuu shakhsiyan had yo jeer isku taxalujiyo horumarinta dhallinyarada Somaliland iyo sidii uga qaybqaadan lahaayeen talada dalka, isagoo sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagani tahay distoorka qaranka oo uu ku tilmaamay mid qabyo badan ka muuqato oo u baahan in dib loo furo, isla markaana loo qaado afti dadweyne, balse wuxuu xusay inay wax ka beddeleen qodobka xeerka doorashooyinka goleyaasha degaanka ee xaddidayay da'da tartamayaasha oo hore u ahayd 35 jir, laakiin ay haatan ka dhigeen 25 jir, taas oo fursad u siinaysa dhallinyarada inay isu soo sharraxaan tartanka doorashooyinka soo socda ee dawladaha hoose.

Haseyeeshee, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Aw-xoog) oo metelayay xisbiga UDUB, ayaa caddeeyay in aannu jirin wax horumar ah oo ay ka dhaxleen bulshada soo doortay, "Maadaama," ayuu yidhi; “Aanan markii la i dooranayay ku ololayn waxbaan idiin qabanayaa iyo webiyo malab ah ayaan idiin soo faruuri doonaa."

Xildhibaan Aw-xoog oo laga dareemayay cabsida iyo werwerka uu ka qabay su'aalaha ka qaybgalayaashu dhufayska ugula soo jireen ee daaha ka faydiyaya fadeexadaha faraha badan ee dul hoganaya hoggaaminta maamulka UDUB, waxa uu hadalkiisa oo is-difaac u badnaa ku ladhayay weedho uu weji-gabaxa la soo dersay kaga galgalanayay mudanayaasha mucaaridka ee madasha fadhiyey oo uu ku eedeeyey in ay sabab u yihiin fadhiidnimada ku habsatay Golaha Wakiillada ee la soo doortay.

Sidoo kale Xidhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo madasha u metelayey mudanayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE uga soo baxay Gobolka hargeysa, ayaa si cad shaaca uga qaaday in golaha uu ka tirsan yahay ee Wakiilladu ku fashilmay masuuliyadii guud ee loo soo doortay, natiijo kasta oo laga dhaxlayna la wadaago 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, isagoo fadeexadaha fashiliyeyna u xambaariyey xukuumadda UDUB oo uu sheegay in goluhu ka dhaqaaqi waayey.

Hase ahaatee, Md. Nacnac waxa uu ku tiiqtiiqsaday inay jiraan waxqabadyo muuqda oo shaqsiyan uga tegayo dadkiisa iyo dalkiisa sida laba guri oo uu u dhisay hooyooyinka ay ka shahiideen Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Mujaahid Maxamed Haybe Goodhaadh o labaduba ka mid ahaa halgamayaashii iyo hoggaamiyeyaashii SNM ee naftooda ku waayey halgankii dib-u-xorreynta Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay dayacday oo aanay dib-u-eegin madaxda xukuumadda ee dheeftii dhiigga mujaahidiinta dhiilasha ka buuxsaday.

Xildhibaanka oo ka hadlayey waxqabadka shaqsiga ah waxa uu intaa ku daray inuu ku guuleystay dhismaha jid dhererkiisu dhan yahay 5KM laami ah oo laga hirgeliyey Degmada Axmed-dhagax ee caasimadda Hargeysa oo uu deggan yahay, kaas oo uu sheegay inuu dhaqaalaha ku baxay kala badh ka bixiyey jeebkiisa, badhka kalena ka taageertay dawladda hoose, waddadaas oo uu xusay inuu ku xidhay nalalka loogu talogalay ammaanka oo aan cidna ka caawin kharashka ku baxay.

Sidaa awgeed, waxa uu Md. Nacnac ugu baaqay madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadda talada haysa ee xisbiga UDUB inay Ilaahay ka cabsadaan oo wax uun u hambeeyaan ummadda ay masuulka ka yihiin ee hoostooda ku bakhtiyeya ee hantidoodii la xalaashaday.

Xog-warrankaas kooban ee mudanayaasha kadib waxa la gudo-galay su’aalo aad u xiiso badan oo ka qaybgalayaasha kulanku si darandoori ah ugu dadajiyeen xildhibaannada Golaha Wakiillada ee madasha loo goleeyey, iyadoo su’aalaha ugu kulul, uguna badnaa lala beegsanayey mudanaha UDUB oo isagu ahaa ninka daawaha dhaliilaha saarnaa ee dadweynuhu sida gaarka ah cadhada ugula dul dhacayeen.

Su’aashii ugu horreysay oo si weyn u gilgilashay jewigii kulanka waxa lagu maamuusay wiil dhallinyaro ah oo la sarajoogsaday su’aal aad loogu sacbiyey oo uu si lama filaana dhimbiilo ugaga duuliyey Md. Cabdiraxmaan-Xoog oo fadhi iyo joog midna xamili waayey markii daaqadda looga dhiibay gool aannu shabaqa ka difaaci karin.

Su’aashaas oo ahayd mid aad u kicisay xasaasiyaddii madasha degganayd waxay ahayd; “Md. Aw Xoog waxaad ku caan baxday difaaca xukuumadda iyo xisbiga UDUB, markaa maadaama aad ka mid tahay xildhibaannada aannu dooranay ee dadweynaha metela maxaad Madaxweynaha iyo wasiirradiisa uga qabanweydaan khaladaadka faraha badan ee ay galaan, mise khalad iyo saxba waad iska taageertaan uun?”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo jawaabta su’aashii ku noqotay gantaal aannu dhaadayn, isla markaana hadalka ku margaday, ayaa isagoo khajilaad darteed hadba hareer jalleecaya waxa uu sacabkii lagu tumay kaga xuub-siibtay Md. Nacnac oo uu markhaati ugu qabsaday inuu marar badan goob-joog ahaa kulamo ay Madaxweyne Rayaale ku cannaanayeen khaladaad xukuumaddu gashay, balse xildhibaanka KULMIYE ma shaacin marag-furkii saaxiibkiisa UDUB u qabsaday, waxaannu xukuumadda Rayaale iyo taageerayaashaba ku tilmaamay kuwo xumaanta shuraako ku ah.

Waxa kale oo saddexda mudane mid mid iyo wadajirba uga jawaabeen su’aalo tiro badan oo wax lagaga weydiiyey dhaliilaha Golaha Wakiillada iyo waxqabadyadii bulshadu ka filaysay xildhibaannada ay doorteen.

Kulankaas oo socday muddo laba saacadood ka badan oo la dhex dabbaalanayey mawjado siyaasadeed iyo mahadhooyin xiiso badan xambaarsanaa, waxa uu ku soo gebogeboobay jewi sarraaxad leh oo ka qaybgalayaasha u noqday fursad ay kaga nafisaan su’aalo kala duwan oo quluubtooda xaganayey.

Wednesday 21 April 2010

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Wakiilada oo si ba’an u dhaliilay Xukuumadda Rayaale (DAAWO MUUQAALKA)

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay ballan-qaadyo been ah, isla markaana wuxuu soo jeediyay in aan wakhti badan lagu luminin Xukuumaddan iyo ballan-qaadyadeeda hadda.

Cabdicasiis Samaale ayaa hadalkaa ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay Munaasibad ballaadhan oo Xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed

liibaan cabdi aw daahir iyo aamiin xasan daacad waa saaxiibo



haddii aan ka sheekeeyo saaxiibtinimada naga dhexaysa aniga iyo saaxiibkay aamiin xasan daacad markii isku gaaya horeysay waxaanu isku baranay schoolka togdheer ee magaala madaxda burco halkaas oo isagu ahaa fasalka 6aad waxaanu wadaagnay dhawr wax
1.waxaanu ahayn labada ugu yar yar classkay ku jiraan
2. ugu saaxiibtinimada iyo qaddirinta badan
3.macalimiintu ay fiiro gaar ah ku eegi jireen
4.wanaaga ,edebta,akhlaaqda ,anshaxa,iyo asluub u dirirka badan yacnii aanu ahayn qaar markay edaabta lagu arko ardayda kalana ku dayanjireen
iyo qodobo fara badan oo kale waxaanu ahayn saaxiibo laysku xanto

xurmadiyo asluubtiyo
xishoodkiyo wanaagiyo
rag aanu ku dhaafnee
hadal laga xanaaqiyo
ma naqaano xasaradii

sidaa darteed macaamiishayda websitekayga ama aan yidhaahdee blogayga waxaan kula tallin lahaa inay booqdaan bloga saaxiibkayga qaaliga ah http://somalilandspace.blogspot.com owner this blog aamiin xasan daacad oo ah saaxiibkayga dhibta

maahmaah soomaliyeedbaa tidhaahda saaxiibkaaga runta ahi waa saaxiibkaaga xiliga dhibta

Tolow Xusbigii UDUB Yaa Ku Hadhay? (Qof Dareenle Kuma Hadhin). Qalinkii Cali Kayse Kabadhe

65 Mudane Golaha Dhexe ee Xusbiga udub.

8 Xildhibaan Golaha Wakiilada Udub uga soo baxay.

5 Xildhibaan Golaha Degaanka Udub uga Soo bxay.



Waxaan Lawada Soconaa In Maanta intii ugu danbaysay ee damiirka iyo dareenka wadaniyadeed lahayd udubka soo baxday kuna Biireen Xusbiga Xaqa iyo xaquuqda Shacabka u doodaya ee kulmiye, Waxaynu odhan karaa Waa intiii ugu danbaysay waxgarad iyo aqoonyahan iyo muwaadiniin ee ku hadhsanayd udub.



Alle mahadii weeye haddii shacabkii Somaliland wada arkeen dhibka iyo xanuunka udub dalka iyo dadka ku hayso, Sidoo kalena ay ka soo hor jeesteen waa alle mahadiii iyo mansha allaah dhereg.Dhinaca Kalena Waxay Fariin Cad oo an werwereeg lahayn u tahay Udub iyo kooxda qowlaysatada ah ee Xukunka Somaliland sida qaldan gacanta ugu dhigay.



Waxaynu Iswaydiinaynaa Maanta UDUB yaa ku hadhay? Cawa waxaan isku deyayaa in aan kow laba idhaaho inta qof ee udub ku hadhay.



1- Riyaale Ujeedadiisu Waa Haddii aan Kursiga ku fadhiyo Waxna qaban maayo wixii aan arkona daanka ayaan dhigayaa, Marka layga Dejiyana Inta Jabouti ugu Sokayso ayaan ka soo jeesayaa.

2-Axmed yusuf yasiin alle marka hore cafimaad ha siiyo, marka xiga waa nin dhowrsoon oo miskina,Laakiin udub ayuu ku hadhay.



3- Wasiirada oo dhan lama odhan karo waa udub laakiin waxaa la odhan karaa Waxay u shaqeeyaan Riyaale, Ujeedada uu leeyahayna Way fuliyaan Hantida Dalkana Jeebka ayay ugu Soo Shubaan Markaa Iyagu Ujeedo aan ahayn Guulwadayn Malaha. Sidoo kalena Mid Walba Marka Riyaale Meesha uu doonayo Ku Gaadho ama Uu Dadka Nacsiiyo Ayuu Eryaa.



4-Jug-soodhacay. Anigu Miskiin Soo Dhacay ayaaban U bixiyaye Waa nin iska cusub oo Somaliland ba 2008-kii yimi marka isagu wuxuu sugayaa inta Riyaale xilka ka degayo kadibna wuu iska noqonayaa.



5- Dhowr Xildhibaan oo Cabdi warabe u horeeyo iyagu waxay saaxiib la yihiin Kursiga marba Cida oo fuushana iyagana waa walaalkood.Kuwasi waa shaxaad tag.





6-Waxaa Jira koox yaroo Cadiifad iyo uga baxay kulmiye, Ujeedada ay udub u galeena tahay reer hebel ayaa kulmiye ku soo biiray,Kuwaasina Waxaa La odhan karaa Ujeedada ay leeyihiin waa Nacayb.





Qof Dareenle Kuma Hadhin

Udub Doorkan Maanta ah

Waxa Degelki jogaa

Daahir iyo Colkiisiyo

Damiirlaawe-yaashiyo

Iska Daaqe yaashii

Duligiyo Xanuunkii

Dadka Xoolihiisiyo

Dalamsiga Ku Caan baxay.

Dulucda Qoraal Heshiis ah oo ay kala saxeexdeen Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB

Xisbiga KULMIYE iyo Isbedel-doonka UDUB, ayaa heshiis ku kala saxeexday maanta Hargeysa.

Qoraalka Heshiiska oo ay ku wada saxeexnaayeen Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Isbedel-doonka UDUB Axmed Sandoon Xasan, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Waxaa maanta oo bisha April tahay 20/04/2010 si wada-jira u soo saaray qoraal rasmi ah Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Isbedal-doonka Xisbiga UDUB. Waxaana qoraalkan rasmiga ah laga soo saaray Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhoweeyey Garabka Isbedel-doonka UDUB ee ku soo biiray Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Kaah ee magaalada Hargeysa. Wuxuu Qoraalkan dhignaa sidan;

‘Waxaa in muddo ah wada hadalo u socdeen Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB; waxayna labada dhinac wada yeesheen kulmo isbada jooga oo ay kaga wada hadleen sidii ay labad dhinac isaga kaashan lahaayeen, meelna uga soo wada jeesan lahaayeen sidii Isbedel iyo maamul u adeega bulshada looga dhalin lahaa Somaliland.

Kulamadaasi ay labada geesood wada yeesheen waxay kaga wada hadleen baahida Shacabweynuhu u qabo sidii maamulka maanta dalka ka taliya looga wareegi lahaa iyo sidii dib-u-eegis iyo wax-ka-bedel loogu samayn lahaa Dastuurka qaranka iyo waliba sidii loo hawlgelin lahaa hay’adaha dawliga ah Nabadsugidda, loona toosin lahaa meelaha qalloocday.

Waxaa kaloo arrimaha lagaga wada hadlay Shirarkaasi ka mid ahaa, in si wadajira loogu hawlgalo hirgelinta barnaamijka Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee foodda innagu soo haysa iyo sidii ay labada dhinac gurmad degdega uga geli lahaayeen fulinta iyo guusha barnaamijka Ololaha Doorashada. Kulamadaasi oo dhowr weji lahaa waxaa arrimihii lagu soo qaaday waxa ka mid ahaa;

1-Kaddib markii ay u cuntami wayday Garabka Isbedel-doonka UDUB nidaamka siyaasadeed ee xukuumadda Madaxweyne Riyaale dalka ku maamulayso, taasoo dhalisay in meel-ka-dhacyo iyo dhaawac fara-badan loo geystay Qaranimada, Dimuqraadiyadda iyo Xidhiidhka dalku la leeyahay bulshada caalamka, kalliftayna in magaca Somaliland laga garan waayo xataa wadamada aynu jaarka nahay qaarkood.

2- Markii ay si midaysan u wada arkeen ku-dhaqan la’aanta iyo ku-xadgudubka xukuumadda maanta dalka talisa Dastuurka iyo xeerarka qaranka iyo waliba ku-tumashada xuquuqda muwaadinka.

3-Markii ay xaqiiqa noqotay in maamulka maanta dalka ka jiraa ku guuldaraystay inuu dalka u dejiyo barnaamijka iyo qorshe jaan go’an oo dalka lagu hago, taasina ay sababtay in dalku galo xaaladda mugdi siyaasadeed iyo dhaqaaleed.

4-Markii xukuumaddu u badheedhay boobka iyo dhaca hantida ummadda iyo waliba dhiirigelinta iyo wax-ka-qabasho la’aanta musuqmaasuqa baahay ee faraha ka baxay.

5-Markii la isla waafaqay in Xisbiga KULMIYE oo ah xisbi mucaarad ah, kaalin mug lehna kaga jira siyaasadda dalka, isla markaana saami weyn ku leh xubnaha Golayaasha Qaranka, taageero badan ka haysta shacabweynaha Somaliland.

6. Markii ay is-waafaqeen dadaalka Xisbiga KULMIYE ugu jiro wax-ka-bedelka xaaladda siyaasadeed, dhaqaaleed iyo bulsho ee dalku maanta ku jiro iyo dareenka ka biyo-diid ee Garabka Isbedel-doonka UDUB ee xil-gudasho la’aanta xukuumadda Rayaale, ayaa labada dhinac ee Hoggaanka KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB iyagoo tixgelinaya arrimaha aynu kor ku soo xusnay waxay isla qaateen qodoban;

-Inay lagama maarmaan tahay ilaalinta iyo dhowridda haykalka dawladnimo iyo Qabyotirka dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u dejisan.

-Sugidda iyo madaxbannaanaynta Hay’adaha ay ka mid yihiin Garsoorka, Hantidhowrka iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka.

-Dib-u-eegidda iyo diyaarinta qorshe horumarineed ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ah.

7-Dhinaca kalena guddiga loo xilsaaray soo dhoweynta iyo is-dhexgalka KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB waxay isla qaateen;

-In garabka Isbedel-doonka UDUB oo isugu jira xubno ka tirsanaa Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Golayaasha Qaranka iyo waliba garabyada haweenka iyo dhalinyarada ee Xisbiga UDUB si rasmiya loogu soo dhoweeyey Xisbiga KULMIYE, isla markaana loo diyaariyo kaalinta kaga aaddan ka-qaybgalka hawlaha ku lug leh barnaamijka Ololaha Doorashada Madaxtooyada.

- In kaalinta iyo saamiga xileed ee ay ka qaadan karaan mas’uuliyiinta ka soo digo rogtay Xisbiga UDUB ay kala mid yihiin madaxda kale ee Xisbiga KULMIYE, lana soo hordhigi doono codsigooda shirka ugu horreeya ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE yeesho, iminkana ay ka qaataan kaalintooda abaabulka, wacyigelinta iyo soo xero-gelinta taageerayaashooda

Monday 19 April 2010

dr cabdi aw daahir


Dr. Cabdi Aw Daahir Cali wuxuu ku dhashay tuulada Ceelsame ee degmada Oodweyne 1955, Dugsigiisii hoose wuxuu ka galay Magaalada Duruqsi 1962, halkaas uu ka bilaabay dugsigiisii dhexe magaalada Oodweyne 1966. Dugsigiisii sare wuxuu ka bilaabay dugsiga sare ee Camuud ee magaalada Boorame sannadkii 1970-ii. Sannadku markuu ahaa 1973, ayuu u soo wareegay dugsiga sare ee Sheikh Bashiir ee magaalada Burco, halkaas oo uu ku dhammaystay waxbarashadiisa dugsiga sare sannadku marku ahaa 1974.
Sannadku marku ahaa Jan 1975, ayuu galay Jamaamacada Ummadda Soomaliyeed (JUS) Kulliyada Daawada iyo Qallinka, Halkaas oo uu dhamaystay waxbarashadiisii Jaamacadeed ee dhakhtarnimo 19 December 1979.
Wuxuu ka bilaabay shaqada dhakhtarnimo Isbitaalkii Guud ee Digfer ee ku yaala Mogdisho, qaybta Qallinka Jan 1980. Dhammaadkii 1980kii wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka Xeryaha Qaxoontiga ee Gobolka Shabeelada Hoose. July 1981, wuxuu noqday dhakhtarka Guud ee Qallinka ee Isbitaalka Burco. 1987-kii wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer.
1988 wuxuu noqday Dhakhtar qaliin ee Ururka Xoraynta (SNM), Xarumihiisa kala duwan, 1991-kii markii SNM dalka Xoraysay, wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer iyo dhakhtarka qalinka ee Gobolka.
May 27-keedii 1997, wuxuu noqday Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada ee JSL. Hawshaas oo uu hayey ilaa dhammadkii bishii Sibtembar 2001.
June 30, 2001, wuxuu ka mid noqday Guddiga qabanqaabada ee shirweynihii Aasaaska Xisbiga UDUB, halkaas oo uu noqday xubin Aasaase ah. Isla sannadkaa, July 10-keedi shirweynihii Aasaaska Xisbiga UDUB wuxuu Dr. Cabdi Aw Daahir Cali u doortay in uu noqdo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB .
4 novembar 2002 wuxuu ku dhawaaqay in uu u taaganyahay jagada musharaxnimada madaxweynenimo ee xisbiga udub . halkaas oo ay isku maandhaafeen madaxweyne rayaale oo isagu ku andacooday in uu yahay musharaxa keliya ee jagadaa u baratamaaya. markii ciidanka qaranka loo adeegasaday waa laga mamnuucay dr. cabdi awdaahir in xaruntii xisbiga uu soo galo. dr cabdi aw daahir wuxuu ku biiray xisbiga kulmiye sanaku markuu ahaa 3april 2003. wuxuu qayb libaax ka qaatay doorashadii madaxweynanimada ee 14 april 2003 oo u ololeeyay axmed siilaanyo oo lagaga helay cod dhan 80 qof. wixii waqtigaa ka danbeeyay wuxuu si joogta uga shaqeynaayey hawlaha caafimaadka ee gobolka togdheer isagoo ah dhakhtar qalliin. wuxuu kaloo ka mid noqday guddida fulinta ee xisbiga kulmiye isagoo ah xoghayaha arrimaha bulshada

riyaale kuma qanacsana in la qabto doorashada bisha juun


Waxa xalayto si rasmiya looga maqlaayey telefoonka gacanta ee u gaarka ah Daahir Riyaale niman waqtiyo kala duwan ay wada hadleyeen oo mid ka mid ahi kasoo hadlaayey jabuuti laba ka mid ahina kala hadleyeen Hargeisa gudeheedea, kalsoonida u hebel ku dhegeysanaayey telefoonka gacanta ee u gaar ah Daair riyaale waxa lagala socdey goob laga dhegeysan karo, loona baahneyn in lafaahfaahiyo.



Waxa ninka jabuuti jooga waydiiyey Daahir Riyaale waxa ka jira iyo suurtagalka doorashada ay kommissionku ku dhawaaqeen, makiiba waxa u ugu jawaabey waa khiyaamo ay ku kaceen gudidda dorashadu, waxa ay ahayd in ay marka hore noo soo bandhigaan waxa ka soo baxay serverka, hadii laga heshiiyo natiijadana lagu dhawaaqo waqtiga, dee markaas iyadoon aanaan ogeyn waxa soo baxay serverka lagana tashan xisbiyada ma ahayn in la is kaga dhawaaqo, waana sharci darro, sidaas oo kale ayaa labada ruux ee Hargeisa kala soo dhex hadley oo midi yahay sida magaciisa loo gartey ciidanka nabadsugida isaga u gaarka ah, ka kalena aanuu ku jirrin dawlada, waxa u mid su'aaley ragii garawe ma ka yimaadeen aanu fileyney , waxaana u ku jawaabey ninkaasi, maya oo wey ku yara adagtahay iyaka iyo alaabta oo wada socda, waanan kuu imman si aan kaaga waramo.



Waxa cad in Riyaale u rabo in hadii inta ku ag dhow ay ka oggolaadaan in u muran bilaabo ayaamahan soo socda, balse waxaanu uga digeynaa in ummaddan aan dib loo celin karin, maantana aan wax dambe looga dul qaadaneyn oo u isku deyo.
Dhalinyaro kubad ciyaareysa oo ciidan iyo tekniko lagu weerarey waa dembi qaran, taliyaha Poliskana waxa aan leeyahay hadii aad sidii taliye kooxeed u hawlgeleyso oo aad sumcadii poliska iyo taliskaba meel kaga dhaceyso maalin walba, waxa kuu taala in lagula xisaabtamo dembiyada qaranka sida is dabajooga ah aad uga geleyso adiga iyo kuwa ku soo amraaya, hadii aanad inta yar ee hadhey aanad ka waantoobin.

oboma iyo digreetadiisa uu ku soo rogay somalia


Dikreetada uu saxiixay Madaxweyne Obama ayaa amraysa in la xanibo xoolaha iyo hantida ay leeyihiin dad Soomaali ah oo ku lug leh dagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya. Waxa uuna qoraalka uu ku cadeeyey dagaal ka dhan ah qatarta aan caadika ahayn ee ay kaga imaan karta Dalkiisa dagaalada ka soconaya Soomaaliya.


Wax uuna ku amaray wasaarada maaliya Dalak Maraykanaka in ay xayirto lacagha iyo hantida ay leeyihiin dadka soomaalida ah ee xiriirka la leh Ururka Alqaacida. Waxa uuna yiri Madaxweyne Barack Obama waa dad qatar ku ah nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya dadkan ayaa badankoodu ka tirsanyihiin Uruka Alshabaab.



Waxa uuna ku cadeeyey qoraalkiisa Madaxweyen Barack Obama in uusan ahayn qoraalkani mid lagu beegsano dalka Soomaaliya oo idil ee uu si gaar ah u bar tilmaamsano Shaqsiyaad gaar ah oo qatar ku ah Nabada iyo Xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya.



Waxaana ka mid ah dadka lagu soo rogay Ninka lagu magacaabo Sheikh Hassan Abdullah Hersi Al-Turki oo hugaamiye u ah Mucaskarka Raas Kaambooni hadana.


Tani waxa laga yabaa in ay ku keento kooxda xagjirkaa ee Alshabaab xaga dhaqalaha iyo dagalada ay ku jiraa hadii laga xaanibo lacaga ay ku howl galaaan isku soo wada duboo waxa la,egaba waxa uu yahay dhaqan galinta wareegtadan.

Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo qurbaha ka wada olale mid waliba doonaayo inuu taageero ka helo qurbajooga

Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo qurbaha ka wada olale mid waliba doonaayo inuu taageero ka helo qurbajooga





Iyadoo la dhawraayo in dhawaan lagu dhawaaqo wakhtiga ay qabsoomayso doorashadu ayaa waxaa moodaa inuu kaambaynkii olalaha doorashadu ka bilaabeen dibadaha, taasoo xisbiyada siyaasaddu rabaan inay kusoo jiitaan qurbajooga si ay ukas badaan taageeradooda.


Haddaba su'aashu waxay tahay sababta xisbiyada diirada usaareen qurbajooga, sababtoo ah waxaan la soconaa in qurbajoogu aanu codaynayn, ee codka ay bixinayaan dadka gudaha joogaa. Waxay ilatahay jawaabta su'aashani inay fududahay sababtoo xisbiyada siyaasaddu waxay ka rabaan qurbajooga waxaa ugu horreeya ee waa dhaqaale ay ku galaan olalaha doorashada, laakiin ma ogtahay in ujeedadu aanay intaasoo qudha ahayn ee ay is leeyihiin dadka dibaddu waxay saamayn weyn ku leeyahay shacabka gudaha jooga.


Dadka qurbajooga ahi waxay marka hore kaaliin laxaadle ka qaataan dibudhiska iyo horumarka dalka, horumarka balaadhan ee dhinaca baayacmushtarka ama business sectorkana waxaa hormuud ah qurbajooga oo ah kuwa dhisay hoteelada quruxda badan ee la seexdo, guryaha iyo dhismayaasha bilicda leh ee laga dhisay magaalooyinka waa weyn, degmooyinka iyo tuulooyinkaba.


Xisbiyada siyaasaddu ee Somaliland waxay xidhiidh la leeyihiin qurbajooga gaar ahaana kuwa dhaqan Waqooyiga America, Yurub iyo Ustralia iyagoo u arka inay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool waddamadaas oo iyagu fahamsan dimoqraadiyadda curdaynta ka ah dalkeenu qaatay. Waxaana qurbajoogu dhiireliyaan koridda dimoqraadiyadda iyagoo taageera xisbiyada qaranka ee dalka ka hirgalay.


Waxaana jirta inay qurbajoogu ay Somaliland ku leeyihiin saamayn dhaqaale, iyada oo inta badan baxshaan biilasha ay ku nool yihiin xubnaha faamliga ee jooga waddankii, markaas kama maqna iyana saamayn siyaasadeed oo ay dadka qurbaha joogaa ay kula taliyaan eheladooda waddankii xisbiga ay u foodi lahaayeen, kuwaasoo inta badan dadka gudaha jooga iyo xubnaha qurbajooga ah ay isku xisbi taageersan yihiin. Taasoo ah sababta xisbiyada siyaasaddu bartilmaameed uga dhigtaan qurbajooga si ay u helaan taageeradooda oo laga rabo inay dhaqaale baxshaan sidoo kalena dadkooda gudaha jooga kula taliyaan xisbiga ay u codayn lahaaayeen doorashada soo socota ee madaxweynaha oo la filaayo in dhacdo dhammaadka xilliga guga ama bilawga xagaaga sannadkan. Taasoo la rajaynaayo inay dhacdo gebagebada bisha Seermawaydo ama bilawga dirir cawleed ee sannadkan haddii allah ka dhigo.


Haddaba waxaa isku hirdiyaaya qurbaha labada xisbi ee mucaaridka ah oo midkastaaba rabo inuu hanto taageerida qurbajooga, taasoo xisbiga UCID isagu dhawaan ka fara xashay aanu soo maray inta badan magaalooyinka iyo dalalka ay ku dhaqan yihiin bulshada reer Somaliland ee Yurub, waqooyiga Maraykanka, Asia iyo Afrikada bari.


Waxaa isna kaambayn aan kala go' lahayn ka wada qurbaha xisbiga KULMIYE oo isagu hadda olalaha u dhigay dhinac kale oo xagga dumarka ah. Waxaana marwada guddoomiyaha ee KULMIYE Amina Weris Maxamud iyo Ilhaan Maxamed Jamac iyagu kintaarka ka garaaceen dhinac kale oo ay abaareen haweenka reer Somaliland. Waxaanay muddo yar badi booqasho galaa baxsheen inta badan magaalooyinka waaweyn ee UK sida Cardiff, Shefied, Birmingahm oo ay kula kulmeen haweenka Somaliland kuwaasoo si diiran loo soo dhaweeyey, meesha ay tagaana lagala horymid dabbaal deg iyo damaashaad. Soo dhawaynta labadan marwo oo aad loo abaabulay baa lasheegaa inay dadka soo dhaweeyeyna waxay sheegeen masuuliyiinta KULMIYE in aanay ahayn oo qudha taageereeya xisbiga oo qudha ee ay sidoo kale kasoo qayb galeen taageerayaasha xisbiyada kale iyo dadka aan iyagu xisbina taageerin.


Xisbiga talada haya ee UDUB oo iyagu qudhooda aan ka madhnayn olalaha ay xisbiyada siyaasadda ka wadaan dibadaha, waxaanay dhawr meelood ku qabtay shirar magaalada London laga dareemayo olalahooda, waxaa kale oo beryahanba wafti wasiiro ah joogeen waddanka maraykanka halkaasoo ay kula kulmeen jaaliyadaha dibadaha.


Inkastoo la moodo in laga fir fircoon yahay xisbiga talada haya UDUB marka loo eego labada xisbi ee mucaaridka ah oo iyaga aanay uga danbayn dhaqaalaha yar ee ka helaan qurbajooga. Xisbiyada mucaaridka ah ayaa inta badan ku eedeeya inay xukuumaddu hantida qaranka u isticmaasho olalaha doorashada. Laakiin xukuumadduna dhinaceeeda arrimahaas way beenisaa.

Diblomaasiyiin Faransiis Ah Oo Jooga Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Kulana La Qaatay Hogaamiyayaasha Siyaasadda iyo Golayaasha Qarranka

Madaxa qunsuliyadda faransiisku ku leeyahay magaalo madaxda dalka Jibouti ee Jibouti Mrs Dominique Decharfe iyo wefdi ay hogaaminayso ayaa shallay gallab waxay soo booqasho rasmi ah ku yimaadeen xarunta jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa

Wefdi ay hogaaminaysay sarkaaladda ka tirsan qunsuliyadda faransiiska ee magaalada Jibouti ayaa waxay kulan la yeesheen Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cismaan Aadan labada dhinac ayaa waxay si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka curdinka ah ee dhawaan dalka faransiisku la yeeshay Somaliland waxaa sidoo kale ay haweenaydani diblomaasiyadda ahi ay ka jeedisay kulankaasi hadal iyadoo si weyn u tibaaxda in dalka faransiisku ay taageersanyahiin dimuqraadiyada iyo madax banaanida Somaliland, waxay sheegtay inay indhaha ku hayaan doorashooyinka dhawaan ka dhacaya Somaliland oo ay qayb weyn ka cayaari doonaan.

Haweenaydani Mrs Dominique waxay sidoo kale la kulantay madaxda koomiishanka doorashooyinka qarranka Somaliland oo ay ka weraysatay qaabka ay u socoto doorashooyinka Somaliland, waxay sidoo kale la kulantay hogaamiyayaasha xisbiyada iyo weliba shir guddoonada labada gole ee Somaliland.

waxaa dhawaan sidoo kale dalka yimid Wefdi uu hogaaminayo ku xigeenka safaaradda Britain ay ku leedahay magaalada Addis Ababa Marshall, sidoo kalana waxaa maalmaha soo socda la filaya inay dalka yimaadaan diblomaasiyiin iskugu jira faransiis, swedish, jarmal iyo Denish

Qaad La'aan Saamaysay Qaad Qamacii Reer UK iyo Guud Ahaan Europe Sababta Fulkanaha Iceland Awgeed Iyo Haween Badan Oo Nastay

Fulkanaha ka qarxay dhulka baraflayda ah ee Jamhuuriyadda Iceland oo sababay in dhammaanba duulimaadyadii qaaradda yurub gaar ahaana beriga iyo galbeedka yurub ay joogsadaan ayaa wuxuu welwel iyo culus aan hore usoo marin qaaradda yurub saaray dhaqaalahii iyo weliba isku socodkii ama duulimaadyadii yurub ay la lahayd dunida intee kale oo ay afartii caano maal ee ugu danbeeyeyba ay ka go'nayd.

kumanaan Kun Bilyan oo Pound ayaa lagu qiyaasay khasaaraha dhaqaale ee uu u gaystay falkaanahi dakhligii ka soo geli jiray Britain madaaradda waaweyn sida Heathrow, Gatwick, Birmingham, Manchester, Stansted iyo kuwa kale oo badan, kumanaan kun qof ayaa ku xaniban daafaha adduunka kuwaasi oo qaarkoodna ay u socdeen galbeedka yurub qaarkoodna ay ka sii socdeen.

Haddaba khasaaraha baaxadleh ee fulkanaha Iceland uu u gaystay qaaradda yurub ayaa haddana bulshoooyinka ku dhex nool ee ay Soomaalidu ka mid tahay waxaa dad badani ay ku tilmaameen naxariis weyn oo inbadan la naawilaayey, geedka qaadka loo yaqaano ama mararka qaarkood loogu yeedho Jaadka ayaa si ba'an waxaa looga isticmaala dalalka Britain iyo Holland kuwaasi oo qaadku uu sharci ka yahay, maalin kasta waxaa madaaradda Heathrow iyo Amesterdam ka soo degi jiray kumanaan Tone oo qaad ah oo laga keeni jiray dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Haddaba afartii caano maal ee ugu danbeeyey ayaa gebi ahaanba qaadkii laga waayey suuqyadii laga doonan jiray ama uu xaamiga ku ahaa, iyadoo goobaha godka ah ee ahlu mirqaamka ama kooxaha loo yaqaano Geed qamaxu ay iskugu camiri jireen ay noqdeen meel gorayadu ka ka haado oo ay cirka kor u eegaan "afartaa maalmood adeer korka ayuunbanu eegayna, waanaga halkaasi wadhan, Southhall oo dhan xilliga way camri jirtay, waadiga arkaya raggu xaraarad ayuu galgalanaya" sidaasi waxaa yidhi nin 70 jir ah oo ka mid ah qaad qamaxa ama ahlu mirqaanka kana ganacsada geedka qaadka oo meherad ku leh xaafadda Southall ee galbeedka magaalada London.

dhinaca kale iyadoo xaraaradda uu sheegayo ninkaasi odayga ahi ay la gal galanayaan ahlu mirqaan badani ayaa waxaa arrintani ku diirsaday oo soo dhaweeyey hooyooyin badan oo iyagu ku dhib qabay odayaashii ama saygoodii ay u dhaxeen oo aan nolol iyo geeri muddo dheer aanay kala war qabin una go'ay daacadnimada cunista geedka qaadka "2 sannadood ayaan u garba duubna, maan arag, meel uu nolol iyo geeri ku jiro waxaa war la iigu sheegay inuu god hoostii marfash ku yaallay ku jiray, maantuu ka soo baxay siduu u egyahayna waadiga arkaya inuu xabaal ka soo baxaad mooda" ayey tidhi hooyo soomaaliyeed oo ku dhaqan xaafadd ka mid ah kuwa waqooyiga magaalada London oo iyadu aad ugu faraxsanayd waayitaanka geedka qaadka "waa mahad alle, ilaahay ayaa na jecel, haddii ay wax garanayaan oo caqli iyo garaad leeyahiin godkay ka soo bixi lahaayeen oo adduunyada cad ee la kala macaashayo iyo ubadkooda ayey ogaan lahaayeen" ayey tidhi gabadhaasi.

Ahlu mirqaan uu qaadku/jaadku u ahaa nolol maalmeed isla markaana daacadnimo ay u qabaan ku ilko beelay ayaa jiif iyo joog badan xamili kari la'a maalmahii ugu danbeeyey.

warqad iyo fure ka hadhay markabkii titanic oo lakala siistay 100.000 iyo 55.000

Warqad kasoo hadhay Markabkii Titanic ee ku dagay badweynta Baasifika kana mid ahayd alaabtii taalay Qaybta First-Class-ka Markabka ayaa lagu kala iibsaday 55,000 oo lacagta Ingiriiska ah.

Warqadan oo uu Qoray nin la odhan jiray Adolphe Saalfeld uguna talo galay Xaaskiisa oo markaa ku sugnayd Ingiriiska ayaa noqotay Warqadii ugu qaalisanayd dunida ee lagu baayaco lacag intaas leeg.

Qoraalka ku qoran Warqada ayuu ninkan kaga warbixiyey Xaalada maalinkasta uu ku sugnaa Markabka Titanic oo dagay 15-ki April 1912 isagoo galaaftay 1,517 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa.

Warqada ayaa kamid ahayd 350 alaabo ah oo uu iibisay Xarunta lagu kaydiyo Waxyaabaha Taariikhiga ah ee White Star Line.

Warqadan oo la qoray Shan Cisho ka hor intaanu Markabku Dagin ayaa waxa iibsaday qof aan la magacaabay oo ka tirsan Maxfadka Ingiriiska , inkastoo aan wali lagu dhawaaqin iibka kama dambeysta ah.

waxa sidoo kale warqadan wehelinayey Fure uu lahaa Sarkaal ka tirsana kuwii waday markabka Titanic Furahaas oo isagana la siistay 54,000 oo Lacagta Ingiriiska.




Sawiraan laga qaaday Markabka Titanic, Rakaabkii Saarnaa iyo Shaqaalihiisi ayaa iyagana la siistay 100,000 oo Lacagta Ingiriiska ah.

Markabka Titanic oo Dagay 1912 ayaa Taariikh weyn ku reebay dunida iyadoo sanadkii 1998 laga sameeyey Filmkiii loogu magacday ee Titanic kaas oo muddo toban sano ka badan ahaa filmka dunida ugu qaalisan.

Sunday 18 April 2010

Structure of the Human Heart


The heart you see drawn on the average Valentine is only a rough representation of the actual structure of the heart. Your heart is actually shaped more like an upside-down pear.

The human heart is primarily a shell. There are four cavities, or open spaces, inside the heart that fill with blood. Two of these cavities are called atria. The other two are called ventricles. The two atria form the curved top of the heart. The ventricles meet at the bottom of the heart to form a pointed base which points toward the left side of your chest. The left ventricle contracts most forcefully, so you can best feel your heart pumping on the left side of your chest.

The left side of the heart houses one atrium and one ventricle. The right side of the heart houses the others. A wall, called the septum, separates the right and left sides of the heart. A valve connects each atrium to the ventricle below it. The mitral valve connects the left atrium with the left ventricle. The tricuspid valve connects the right atrium with the right ventricle.

The top of the heart connects to a few large blood vessels. The largest of these is the aorta, or main artery, which carries nutrient-rich blood away from the heart. Another important vessel is the pulmonary artery which connects the heart with the lungs as part of the pulmonary circulation system. The two largest veins that carry blood into the heart are the superior vena cava and the inferior vena cava. They are called "vena cava" because they are the "heart's veins." The superior is located near the top of the heart. The inferior is located beneath the superior.

The heart's structure makes it an efficient, never-ceasing pump. From the moment of development through the moment of death, the heart pumps. The heart, therefore, has to be strong. The average heart's muscle, called cardiac muscle, contracts and relaxes about 70 to 80 times per minute without you ever having to think about it. As the cardiac muscle contracts it pushes blood through the chambers and into the vessels. Nerves connected to the heart regulate the speed with which the muscle contracts. When you run, your heart pumps more quickly. When you sleep, your heart pumps more slowly.

Considering how much work it has to do, the heart is surprisingly small. The average adult heart is about the size of a clenched fist and weighs about 11 ounces (310 grams). Located in the middle of the chest behind the breastbone, between the lungs, the heart rests in a moistened chamber called the pericardial cavity which is surrounded by the ribcage. The diaphragm, a tough layer of muscle, lies below. As a result, the heart is well protected.

To monitor the heart, scientists can use x-ray or scanning technology to get a picture. To really explore the heart, scientists have to perform surgery. Heart surgery is very risky because the heart's pumping action is so critical for survival. If the heart stops pumping, the body cannot survive. Before beginning heart surgery, doctors connect the patient to a machine that pumps the blood for the heart. Only then is it safe for the doctor to stop the heart in order to operate.

Saturday 17 April 2010

booqashadii u horeysay ee wefdigii Mr. Fagaddhe, Dr. Cabdi Aw Daahir iyo ina dhoolayare ee dalka koonfur Afrika


Waa Sawir aan kaqaadey waftiyadii ugu horeeyey oo kasocda Somaliland oo yimaada K/Africa, waftigan oo uuhogaaminayey waziirkii arimaha dibada ee Somaliland sanadkii 2000 Mudane Fagadhe, iyo waziirkii isgaadhsiinta oo hadana weli siihaya jagadaasi Mudane dhoolayare iyo waziirkii caafimaadka Mudane Dr. Abdi awdaahir oo shir jaraa’id uguqabtey Jaaliyada R.Somaliland iyo Soomaali kale xafiiska guri martisharafka Somaliland kuleedahey K/Africa oo kuyaala Pretoria. Taariikhda aan sawirkan qaadey waa 2000kii.


Xidhiidhka udhaxeeya K/Africa & Somaliland waa mid aad u adag oo u ifaaya iyaga oo K/Africa & SL ey markaste isdhaafsadaan wufuud isdabajoog ah taasi oo dhidibada u aaseysa xiriirka dibloomaasiyadeed, dhaqaaleed, bulsheed ee udhaxeeya labadawadan ee iskuwaayo aragnimada ah,. Halkaas oo weftigii uguhoreeyey ee Somaliland kasocdey ey soogaadheen K/Africa sanadkii 2000 waftigaas oo uuhogaaminayey waziirkii arimaha dibada ee waqtigaas oo ahaa Mudane Mahamuud Fagadhe & isla waziirkan isgaadhsiinta ee hada, & waziirkii Caafimaadka Mudane Dr. Abdi Awdaahir, waxaa iyana xusid mudan waftigii uu hogaaminayey madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Mohamed H. Ibraahim Egal “Eebe ha u naxariistee”, oo uyimid K/Africa in uu caafimaadkiisa hubiyo halkaas oo kugeeriyoodey, Madaxweyne Egal oo sabab u ahaa xiriirkan ifaya ee u dhaxeeya Somaliland Iyo South Africa. Dhinaca K/Africa waxaa booqdey Somaliland sanadadii inadhaafey siyaasiin, tujaar, culumada diinta, oo kasocda K/Africa ayaa booqdey Somaliland iyaga oo aad u daneynayey waa maalqabayaasha sida Tokyo Sexwale oo sanadkii hore booqdey Somaliland, in ey maalgashadaan Somaliland oo aad u xasiloon nidaam iyo dowlad iyo cadaalad na ey kajirto.

liibaan cabdi aw daahir

Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo lagu qaabilay soo-dhawayn aan loo kala hadhin
April 16th, 2010 Comments Off
Berbera (Somaliland.Org)- Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ka dib markii uu maanta ka soo laabtay socdaal caafimaad oo muddo qaatay oo uu ku tegay dalal dibedda ah.
Madaxweyne-xigeenka oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Berbera, ayaa soo-dhawayntiisa ay ka qayb galeen dhinacyada kala duwan ee Bulshada, Saddexda Xisbi SIyaasi, Xukuumadda, Culima-udiin, Golayaasha Baarlamaanka, Maamulka gobolkaas, Fannaaniin iyo dadweyne kale oo tiro badan, ayaa ka dambaysay ka dib markii Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin uu socdaal caafimaad oo bilo qaatay oo uu ugu maqnaa dalal uu ka mid yahay Faransiisku uu maanta ku soo laabtay dalka.
Masuuliyiintii ka kala socday saddexda Xisbi SIyaasi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ee ka qayb-galay soo-dhawaynta Madaxweyne-xigeenka ayaa sheegay in soo-dhawaynta Axmed Yuusuf aanay ahayn mid gaar u ah Xukuumad iyo Xisbul-xaakim toona, balse ay tahay mid qaran, maadaama uu xaalad Caafimaad ku maqnaa.
Madaxweyne-xigeenka oo muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad u jiifay Cusbatal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa xaaladdiisa Caafimaad hadda wanaagsan tahay, isla markaana wanaagsan, ka dib markii sida la sheegay Qalliin lagaga sameeyay xamaytida.

london ogaysiis

Aasaaska urur samafal Calimarshal Trust oo London ka dhici doonta
April 16th, 2010 Comments Off
Ogeysiis: Xaflad Dhidibada loogu taagayo Ururka Samafalka ee Calimarshal Trust oo lagu qabanayo London
Dhamaan dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan UK Gaar ahaan Magaaladda London waxa la ogeysiinaya in kullan balaadhan oo dhidibda loogu taagayo urur samofal ah oo loogu magac daray Halyaygii aan la hilmaami Karin Allah Ha u naxariistee Cali Xaaji Muxumed Guuleed (Cali Marshal) in lagu qaban doono Galbeedka London ( Harrow) maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 24, April, saacadu markay tahay 14:00.
Tribute to Alimarshal http://www.youtube.com/watch?
http://www.youtube.com/watch?v=xVHQG2N6aTM&feature=related
http://alimarshallfoundation.com/Tribute.html
Goobta: Harrow Civic Centre , Station Road HA1 2UH
Saacadda: 14:00
Maalinta: Sabtida
Taariikhda: 24.04.2010
Waxa lagu soo gali doona lacag dhan £20, taaso lagu aasasayo ururkan sama falka ah.
Haddaba wixii faahfaahin dheeraad kale xidhiidh soo xidhiidha telefoonada hoos ku xusan. Daahir 07960201323, Khadar 07961131014 ama Yasmin 07904174631
Kooxo debley hubaysan ayaa Badhtamaha Ceerigaabo ku dilay nin lagu magacaabo Faarax C/laahi Jibriil(midhey),

kuna dhaawacdey Nin kale oo la yidhaahddo Shiine Yaasin Xiin Finiin,Siddaana waxa u xaqiijiyay TogdheerNews dad goobjoogayaal ku sugan magaaladda Ceerigaabo oo khadka Telefoonka kula xidhiidhnay.
Sidoo kale,afar Nin ayaa lagu afduubay, tuuladda Damala Xagarle, oo Koonfurta Bari kaga Beegan magaaladda Ceerigaabo, kuwaaso ay Dabley hubaysani ka xaysteen, waxaana la sheegay Ragan la Afduubay inay hayb Qabiil lawadaagaan dableyda dilka ka gaysatay magaaladda Ceerigaabo.
Booliska magaaladda Ceerigaabo ayaa iyagu ku guuldaraystay Qabashadda , Kooxddan falka Dilka gaystay, kuwaaso la sheegay inaan la ogayn, meel ay uga Baxeen magaaladdda Balse, la sheegaayo inay u kaceen dhinaca Baadiyaha.
Falalka dilalka ee ka dhacay magaaladda Ceerigaabo, ayaa lagu tilmaamay inay daba socoto Aanooyin hore uga dhexeya laba ka mid ah Beelaha halkaasi wadda dega.
Masuuliiyiinta maamulka gobolkaasi ayaa Dadaalo ugu jira Xalinta Arrintan, Balse illaa hadda aan ku guulaysan wax ka qabashadda Arrintaasi, inkastoo la sheegay in dacwaddo la xidhiidha Arrimahan Aanooyinka ee u dhexeeya Beelahaasi Hore loo gaadhsiiyay Maamulkaasi,kana gaabiyay dhamaystirka hawlahaasi

aamiin xasan daacad



















his full name is Aamiin Hassan Daacad he was born on 10 of October 1994 in small town called L.Mulaho , (small town near Togdheer region) , and lived there until he was 2 years. his Family moved from Mulaho to Berbera ( The Capital city of Sahil region In West Of Somaliland), he spent 8 years living in Berbera and studying school called Imamu Shafici Primary & Intermediated School with his sister before he went to Buroa and settled in there. he took my primary education from Berbera, and his secondary higher secondary education In Buroa ( the second capital city .

Wednesday 14 April 2010

ciidamada qaranka somaliland oo gacanta ku dhigay laba nin oo argagaxiso fulinaayay

ciidamka qaranka soomaaliland ayaa saaka gacanka ku dhigay laba nin oo argagaxiso ah iyo hubkoodii ay wax ku qarxinayeen ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Laascaanood , ayaa saaka ugu daatay labada nin ee argagaxisada guryahooda, ugu danbayntiina waxa ay gacanta ku dhigeen labadii nin iyo hubkoodii ay wax ku qarxinayeen oo u diyaarsan, waxana ku socda baadhitaan culus.
Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland oo xaalad Caafimaad loo keenay Burco
April 14th, 2010 Comments Off


Burco (Somaliland.Org)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Saleebaan Warsame Guulleed oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa Caafimaad ahaan loogu soo qaaday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Inkastoo aanay Xukuumaddu wax war ah ka soo saarin sababta Wasiirka loogu soo qaaday Burco, haddana siday faafisay faafisay idaacadda Horyaal, waxa daawayn ahaan loo keenay Cusbatal ku yaala Burco, ka dib markii bahal ku qaniinay magaalada Laascaanood.

Warku wuxuu intaa ku daray, in bahalka Wasiirka qaniinay uu ahaa Hangarale ama Dib-qalooc, isla markaana subaxnimadii shalay loo soo qaaday dhinaca Cusbatalka gaarka ah ee MANHAL laantiisa magaalada Burco.

Sida la sheegay, Wasiirku waxa uu xilligaa ku sugnaa hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood.

Lama sheegin in Wasiir Saleebaan Warsame Guulleed Cusbitalka la dhigay iyo in daawayn fudud loogu sameeyay. Isla markaana, mar aanu la xidhiidhnay oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino, ayaanay noo suurtogelin in aanu helno.